Toddobaadkii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada ay Soomaalidu ku xiriirto buux dhaafiyey warar sheegayey inuu Al Shabaab ku biiray Nageeye Cali Khaliif, oo ahaa nin dhallinyaro ah oo bulshada ka dhex muuqday isla markaana barre ka ahaa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Soomaalida oo u muuqatay kuwo daneynaya sheekhada la xiriirtaa ku biiristiisa Al Shabaab, ayaa baraha bulshada ku soo bandhigayey, gabayo iyo sawiro ku jiray buug uu qoray, kaas oo bidhaaminayey xiriirka kala dhaxeeya Al Shabaab, iyo xiisaha uu u qabay kooxdaasi.
Dhan kastaba, Nageeye oo ah 31-sano jir, ayaa ku dhashay degmada Darroor ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, wuxuuna ku soo bar baaray magaalada Hargeysa oo uu degaan ahaan ka jeedo.
Sida uu sheegay Nageeye shaahada koowaad ayuu ku qaatay cilmiga siyaasada, isagoo ka aflaxay jaamacada New generation ee ku taalla magaalada Addis Ababa, wuxuuna isla Addis ku diyaariyey shahaadada labaad oo uu ku qaatay cilmiga saxaafada.
Nageeye ayaa dhowrkii sano ee ugu danbeysay ku noolaa Muqdisho, wuxuuna caasimada soo galay isagoo darafta heystay calan midnimo doon ah, oo uu ku diidan yahay gooni isu taaga Somaliland, oo ah halka uu ku abtirsado.
Dadka Muqdisho ayaa wixii intaasi ka danbeeyey soo dhaweeyey, ka hor inta aanu fursad shaqo ka helin Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo uu ka ahaa hormuudka kulliyadda saxaafadda ee Jaamacaddaasi.
Sida aan ka soo xiganay BBC-da Nageeya ayaa sanadkii 2018-dii ka mid ahaa saxafiyiin ka qeyb gashay tartan jago shaqo oo ka bannaaneyd la’aanta afka Soomaaliga ee BBC-da, isagoo ka mid noqday dadkii fursadaasi ku guuleystay, balse sida uu sheegay tifaftirihii BBC ee waqtigaasi wuxuu shaqadaasi ku waayey inuu ka dhaga adeegay dalab dhanka BBC ka yimid, kaas oo ahaa inuu ballan qaado joojinta aragtidiisa ka dhanka ah gooni isu taaga Somaliland oo ku cabiri jiray bogiisa Faceboogga.
Nageeye ayaa wixii intaasi ka danbeeyey lagu bartay nin ku firfircoon shaqooyinka la xiriira xirfadihiisa kala ah Macallinimo, Weriyanimo iyo tan abaawnimo, taas oo dhalisay saameynta hadal heyn ee ay yeelatay ku biiristiisa Al Shabaab
Waxaase Boqolkiiba %95 dadka Nageeya yaqaana ay ku tilmaameen nin aad isula weyn, oo jecel inuu dadka kale ka iibiyo aragtidiisa gaarka ah,naceb-na in ay ka soo ag-dhawaadaan kuwa qaba aragti lidi ku ah tiisi.
Wuxuu ku sifeysnaa mid isu muujiya inuu yahay wadani, isagoo adeegsan jiray suugaanta Soomaalida, siiba gabayada, taas oo uu ku gudbin jiray fariintiisa
Wuxuu ku caan baxay curinta gabayo mug iyo miisaan leh, oo uu ku cabirayey xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo gabayada qaarna si duurxul ah ugu sheegi jiray waxa uu daneynayo iyo cidi uu la safan yahay dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaalida, ,wuxuuna isku arkayey kan keliyah ee ay u muuqato, isla markaana sixi kara dul duleelada hannaanka dowladnimo ee Soomaaliya, waxaana sida laga dhadhansan karo nuxurka maansooyinkiisa uu aaminsanaa in wax walba lagu hagaajin karo dirir ama qori caaradiis.
Soo if-baxa inuu Al Shabaab ku biiray ayaa u muuqatay mid qayaali ah, maaddaama dad badan ay ku adkaatay in ay rumeystaan arrintaasi, sababo la xiriira galaan galankii iyo saaxiibadii uu ku lahaa hay’adaha kala duwan ee dowladda.
Inkastoo Nageeye iyo kooxda uu ku biirayba aanay midna xaqiijin dhab ahaanshaha xogtaasi, haddana saaxiibo ku dhawaa isaga ayaa Hortabin Media u xaqiijiyey inuu aadday dhanka Al Shabaab, oo uu ku tuhmayey inuu ka heli doono wax badan oo rabitaankiisa ah.
Siyaasyiinta ka hadlay kuu biiritaankiisa Al Shabaab, waxaa ka mid ah Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macallin Fiqi, kaas oo sheegay inuu halistiisa kala tagay dowladda, isagoo aanan cidna galaafan.
Dad badan ayaa hay’adaha amniga ku dhaliilaya sababta ay waqti hore u qaban waayeen Nageeye, maaddaama suugaantiisa ay ku cadeyd qofka uu yahay iyo waxa uu doonayo, balse kuwo kale ayaa qiil ka dhigaya in aan laga filaneynin halka uu u jiheystay.
Waxaa kale oo hay’adaha amniga lagu dhaliilayaa sababaha ay u ogaan waayeen safarkiisa Jilib, oo sida ku cad buugiisa uu xitaa ku galay sawiro,
Qabiiro hore uga tirsanaan jiray sirdoonka Soomaaliya oo inala hadlay ayaa shaki ka muujinaya in Nageeye uu keli ku ahaa qorshaha ku biirista Al Shabaab iyo tagista deegaanada ay ka arrimiyaan, waxeyna ku talinayaan in baaritaan qoto dheer lagu sameeyo arrintan, isla markaana loo dhabo galo, iyadoo su’aalo dhowr ah la weydiinayo dadkii uu sida joogtada ah ula macaamili jiray
Saxiibada Nageeye Cali Khaliif badankooda ayaa inala wadaagay in muddo fog uu daneynayey inuu mansab ama masuuliyad ka dhex qabto dowladda dhexe ee Soomaaliya, taas oo ay sida ay sheegeen uu ku hungoobay,kadib isku dayo badan oo uu sameeyey waana arrinta sida ay tibaaxayaan ku qasabtay inuu ku biiro Al Shabaab.
Dadka sida dhaw ula socda Sheekada ku aaddan ku biirista Nageeye ee Al Shabaab ayaa is weydiinaya waxa uu ku soo kordhin karo kooxdaasi, iyo rajada laga qabi karo inuu ka helo mansabka iyo meeqaamka uu raadinayo.
Hase ahaatee Kuwo aqoonta u leh ayaase weydiimahaasi uga jawaabaya, inuu yahay nin wax badan ku kordhin doono hannaanka ay u shaqeyso qeybta iclaamka ama warbaahinta kooxdaasi, iyagoo uga faa’ideysan doono xirfadiisa saxaafadeed iyo tan suugaantiisa u muuqata gobonimo doonka, kuwaas oo si aad ah ay adeegsan donaan qeybaha warfaafinta Al Shabaab.
Dadka Al Shabaab mudada dheer ka tirsanaa ayaase shaki galiyey inuu ka dhex hili garo masuuliyadaha uu goobayo, sababo la xiriira in ay kooxda joogaan rag kaga soo horeeyey oo u hanqal taagaya in ay qabtaan xilal sar sare.
Waxaase ay sheegayaan haddii masuuliyad loo igmanayo ay ku koobnaan doonto oo qura qeybta iclaamka ama warfaafinta Al Shabaab, oo sida la aaminsan yahay ah masuuliyad lagu haleyn karo oo ay kooxduna baahi u qabto waqtigan.
TSi kastaba sida ay rumeysan yihiin dad badan ku biirista Nageeye ee Al Shabaab ayaa soo de dejisay in xilkii laga xayuubiyo gudoomiyihii Jaamacada Ummada Soomaaliyeed, kaas oo axadii aynu ka soo gudubnay uu xilka ka qaaday Madaxweynaha Soomaaliya.