Saturday, September 13

Gudaha Caasimada Muqdisho, waxaa waqtigan heer gabo gabo ah maraya tartanka kubadda cagta maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo si aan qurux badneyn ku soo idlaanaya.

Tartankan ayaa noqday mid hadal heyn badan dhaliyey, waxaana bulshada Soomaaliyeed badankood ay qabyaaladeeyeen tartankii ujeedkiisu isku soo dhawaanshaha bulshada.

Tartanka ayaa noqday mid qof walba uu la safto deegaanka maamulka ay heybtiisu degto, waxaana erayo xanaf leh, oo ay ku dheehan tahay qabyaalad la isku marinayaa baraha bulshada.

Qabyaalada ama reer jaceelka oo 30-kii sano ee la soo dhaafay bulshada aad ugu batay, ayaa sababay in tartankii kubadda cagta ahaa la qabyaaladeeyo, lagana dhigo in ay ciyaarayaan qabaa’ilo Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale inta uu tartanka socday ka dhacay rabshado kala duwan, kuwaas oo ay dad ku dhinteen halka kuwo kalana ay weli isbitalada la jiifaan dhaawacyo ka soo gaaray rabshadihii dhacay.

Rabshadaha ayaa sababay in maamulka Koonfur Galbeed ay tartanka isaga huleelaan kuna laabtaan Baydhabo, kadib markii weerar lagu qaaday gaarigii galbinayey ciyaartoyda, halkaasna ay ku dhaawacmeen dhowr xidig oo maamulka Koonfur Galbeed matalayey.

Wal walka ugu badan ayaa waxaa geesta kale abuuraya rasaasta faraha badan ee loo ridayo dabaal-deg ahaanta, taas oo saameyn lixaad leh ku yeelatay dadka waayeelka ah ee kuwa aadka u nugul ee wajahaya xanuunada kala duwan.

Tartanka ayaa maanta maraya heer Final ah, waxaana isugu soo haray maamullada Galmudug iyo Hirshabelle, kuwaas oo ciyaartooda ay dadka qaar u dhigayaan qaab qabyaaladeysan, taas oo noqotay arrin hadal heyn badan dhalisay.

Kubadda Cagta oo ah is dhaxgal bulsho, oo uu ku dheehan yahay xifaaltan ku kooban 90-ka daqiiqo ee ay ciyaartu socoto, ayaa noqotay halis amni oo ku soo korortay caasimadda.

Exit mobile version