Bisha November, waxey Muwaadiniinta Mareykanku dooran doonaan Hoggaamiyihii ay ku aamni lahaayeen aqalka cad, waana mid ka mid ah doorashooyinkii ugu xiisaha badnaa ee dalkaasi ka dhaca.
Sida qorshuhu yahay Doorashada 2024 ayaa la qaban doonaa maalinta Talaadada ee bisha Novembrr ay tahay 5, waxaanaqof ka guulaysta muddo xilhayntiisu tahay 4 sano, taasoo bilaabanaysa bisha Janaayo ee sannadka 2025.
Labada xisbi ee waaweyn ayaa soo magacaaba murashixiinta madaxweynenimada, ayadoo tiro cod bixinno loo qaado kuwaasoo loo yaqaanno “isreebreeb (primaries)”, waana kuwo ay dadku ku xushaan qofka ay doonayaan inu xisbiga ku hogaamiyo doorashooyinka guud.
Xisbiga Jamhuuriga, madaxweynihii hore, Donald Trump, ayaa helay taageerada xisbigiisa marka loo eego dadka isaga ka soo horjeeda, wuxuuna noqday qofka uu xisbigu sida rasmiga ah u soo magacaabay, shirweynihii xisbiga ee Milwaukee, Wisconsin.
Dhinaca xisbiga dimoqradaadiga, Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka, Kamala Harris ayaa noqotay qofka la soo magacaabay. Waxay tartanka ku soo biirtay markii uu ka baxay madaxweyne Joe Biden.
Xisbiga Dimoqaraadiga waa xisbi siyaasadiisa tahay mid liberal ah, ayadoo ajendihiisana uu ku dhisan ayahay in la dardar galiyo xuquuqaha madaniga, daryeelka bulshada iyo isbeddelka cimilada.
XIsbiga Jamhuuriga waa xisbi muxaafid ah, waxaa kaloo Maraykanka gudihiisa looga yaqaan GOP (Grand Old Party). Wuxuu u ololeeyaa in canshuurta la dhimo, in la yareeyo baaxadda xukuumadda, iyo xayiraado adag oo lagu soo rogo socdaalka iyo ilmo iska soo rididda.
Qofka guulaysta ma aha qofka helay codadka ugu badan ee dalka oo dhan. Taa beddelkeeda waa in labada murashax ay u tartamaan inay ku guulaystaan loollanka dhamaanba kontonka gobol.
Gobol kasta wuxuu leeyahay tiro cayiman oo loo yaqaanno codadka electoral college, taasoo ku salaysan tirada dadka ku nool. Guud ahaan codadkaas waa 538, qofka guulaystana waa murashaxa hela 270 cod iyo wixii ka badan.