Mojtaba Khamenei, oo ah wiil uu dhalay hoggaaamiyihii ruuxiga ee Iran Ayatulah Ali Khumeyni oo ay dileen Mareykanka iyo Israa’iil ayey Qubarada Iran u doorteen inuu baddelo Aabihii.
Ninkan si ka duwan aabihii wuxuu si weyn isaga ilaaliyey in ay faafaan muuqaalladiisa, wuxuuna taa baddelkeeda ahaa nin si weyn isku qariyo, marka laga reebo sawiro iyo muuqaallo kooban oo ay warbaahintu ka heyso.
Sida ay xoguhu sheegayaan Hoggaamiyahan cusub walgiis xafiis dowladeed howl baaxad leh kama uusan qaban, sidoo kalana wuxuu aad uga dheeraaday in ay warbaahintu adeegsato muuqaaladiisa, sida khudbadihii uu jeedin jiray iyo inuu bixiyo wareysiyo, waxaana lagu tuhmaa nin ay si weyn uga amar qaataan ciiidamada ilaalada kacaanka.
Haddaba aynu dib u milicsano sooyaalkiisa taariikheed
Ninkan Wuxuu ku dhashay 8-dii Sebtembar 1969 magaalada waqooyi bari iran ee Mashhad, wuxuuna ahaa qofka labaad lix carruur ah oo uu dhalay ayatulah Khamenei. Waxbarashadiisa sare waxa uu ku qaatay dugsigii diiniga ahaa ee Alafi ee magaalada Tehran.
Markii uu 17 jir ahaa, Mojtaba waxa uu ka tirsanaan jiray millatariga waqti kooban intii lagu jiray dagaalkii Iran iyo Ciraaq, wuxuuna ka qeyb qaatay dagaallaadaasi oo socday muddo 8-sano ku siman.
Sannadkii 1999-kii, Mojtaba waxa uu aaday magaalada Qom, oo ah magaalo barakeysan oo loo arko xarun muhiim u ah fiqiga Shiicada, si uu u sii wato waxbarashadiisa diinta, balse kama gaarin darajo aad u sareysa.
Mojtaba ayaa weli ah wadaad darajada dhexe ah, taasoo caqabad ku noqon karta ku nagaanshiyaha xilka loo magacaabay ee ah hoggaamiyaha ugu sarreeya iran, wuxuuna taas si ay usuura gasho dalbaday in loogu yeero, “Aayatullah”, oo ah magac sare. Isbadalkan ayaa ugu muuqda in uu yahay mid uu ku doonayo in uu sare ugu qaado mawqifkiisa diineed, isagoo soo bandhigaya inuu ku suntan yahay Hoggaamiye iyo masuul adag oo lagu kalsoonaan karo.
Marka la joogo gudaha Iran Nidaamka haysashada darajada “Aayatullah” iyo barida fasallada sare ayaa loo arkaa inay yihiin tilmaamaha heerka aqooneed ee qofka, waxaana mid ka mid ah shuruudaha loo tixgaliayo xulashada hoggaamiyaha mustaqbalka.
Tallaabadan dhanka diinta waxaa hore ugu dhaqaaqay Aabihii Ali Khamenei kaa oo xili hore si degdeg ah loogu dallacsiiyay “Aayatullah” ka dib markii uu noqday hoggaamiyihii labaad ee ugu sarreeya 1989kii.
Eynu eegno doorkiisa faragalinta siyaasadda iran
Magaca Mojtaba ayaa markii ugu horeysay soo shaac baxay doorashadii madaxtinimo ee 2005tii, taas oo uu ku guuleystay Mahmoud Ahmadinejad, oo ah nin aad u adag.
Waraaq furan oo uu u diray Khamenei, musharaxa isbedel doonka ah ee Mehdi Karroubi, ayaa Mojtaba ku eedeeyay in uu faragelin ku sameeyay codbixinta isagoo adeegsanaya ilaalada kacaanka iyo maleeshiyada Basij, kuwaas oo lacag u qaybiyay ururo diimeed si ay uga caawiyaan inuu ka guuleysto Axmadi Najad .
Afar sano ka dib, Mojtaba wuxuu wajahay eedayn la mid ah taasi. Dib-u-doorashada Axmadi Najad waxay kicisay mudaaharaadyo ballaaran oo waddanka oo dhan loo yaqaanno Dhaqdhaqaaqa Cagaaran. Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay erayo ay kaga soo horjeedaan doorkiisa siyaasadeed iyo fikradda ah in Mojtaba uu bedeli karo aabihiis ali khumeyni.
Mostafa tajsadih, oo xilligaas ahaa wasiir ku xigeenkii arrimaha gudaha iran ayaa natiijada ku tilmaamay “afgambi doorasho”. waxaana loo taxaabay xabsiga isagoo xirnaa muddo todobo sano, xarigaasi ayaa lagu sababeeyey mid ku ku yimid rabitaanka ee Mojtaba Khamenei”.
sidoo kale Laba musharax oo isbedel doon ah, -Hossein Mousavi iyo Mehdi Karoubi, ayaa lagu riday xabsi guri kadib doorashadii 2009-kii. ilaa Bishii Febraayo 2012, Mojtaba ayaa la kulmay oo ku booriyay Mousavi inuu ka tanaasulo mudaaharaadkiisa, taas oo shacab badan oo Iran ah ka careysiisay.
Eedahan ayaa ah kuwa muujinaya in mojtaba uu saameyn weyn ku lahaa masuuliyadii uu hayey aabihii, waxaana lagu sifeeyaa inuu ahaa xarkaha diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya Iran iyo Maraykanka, ilaa loogu tilmaamay hoggaamiyaha qarsoon ee Iran, waxaana taasi ay sababtay in loo arko inuu yahay hoggamiye karta iyo awood u leh hoggaaminta Iran.
Mojtaba oo ahaa garabka midig ee aabihii ayey warbaahintu reer galbeedku sheegayaan ay in aysan u badneyn inuu u dabacsanaado siyaasadda rer galbeedka wuxuuna taa baddelkeeda sii wadi doonaa siyaasadaha qalafsan ee aabihii, iyagoo ku tilmaamay hoggaamiye qaba carro aad u fara badan maaddaama uu aabihiis, hooyadiis iyo xaaskiisa ku waayey duqeymaha Mareykanka iyo Israa’iil, taa oo ka dhigi karta nin u taagan aargoosi, sii daba dheereeya colaadda ka oogan bariga dhexe, hase ahaatee qudhiisa ayaa wajihi kara caddaadis uga imaaneya gudaha iran iyo dibadda taas oo soo de dejineysa inuu noqdo bartilmeeed.
Doorashadiisa ayey sidoo kale shacabka Iran qaarkood u arkaan mid ku timid dhaxal ahaan maaddaama doorashada hoggaanka ugu sareeya iran ay ku saleysan tahay mid ku timaada mawqif iyo darajo diineed.
Si kastaba Mojtaba khumeyni hoggaanka cusub ee iran waxa hortaallo tijaabo adag oo ay ugu horeyso xaqiijinta jiritaanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah iyo in shacabka diidan uu ka iibiyo afkaartiisa, wuxuu sidoo kale la soo ban-bixi karaan siyaasad ka duwan midii abihii taas oo dalkiisa ka saarta marxalada colaadeed una horseeda siyaasad xasilan iyo horumar dhaqaalle, taas oo ah mida maanta shacabka Iran ay baahi weyn u qabaan.

