Friday, September 12

(Hortabin Media) – Maamulka Somaliland iyo xisbiyada mucaaridka ayaa ka heshiiyey arrimaha doorashooyinka, oo uu in badan khilaaf xooggani ka taagnaa.

Hoggaanada xisbiyada mucaaridka oo si gooni gooni ah u hadlay ayaa sheegay in ay ku qanceen go’aankii guddiga doorashada oo ay markii hore diidanaayeen.

Heshiiskan dhinaca doorashooyinka ayaa sida la rumeysan yahay waxaa soo de-dejisay, dhabar jabkii Somaliland ka soo gaaray duleedka Laascaanood, maaddaama laga saaray saldhigoodii Goojacadde, isla markaana hub, gaadiid dagaal iyo ciidamo badan laga qabsaday.

Madaxweynaha Somaliland iyo madaxda xisbiyada mucaaridka, ayaa wacad ku maray in ay ka jawaabayaan dhabar-jabkii ka soo gaaray weerarkii Goojacadde, waxeyna xuseen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u qaadayaan dulaan xooggan.

Muuse Biixi oo qirtay jabkii ciidamada Somaliland soo gaaray, ayaa iminka deegaanka Oog u diray guddi baaritaan ku sameeya waxyaabaha keenay in si fudud ciidamadooda looga saaro fariisintii Goojacadde.

Dhanka kale Xooggaga SSC oo iyagu ku dhawaaqay maamula la magac baxay Khaatumo State, ayaa shaaciyey tirada maxaabiista ay ka qabteen Somaliland, kuwaas oo ay tiradooda ku sheegeen 260 maxbuus kuwaas oo 40 ka mid ah ay qabaan dhaawacyo kala duwan.

Waxaa sidaasi warbaahinta u sheegay madaxa maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Firdhiye oo intaasi ku daray in ay Somaliland ka qabteen maxaabiistii ugu badneyd tan iyo markii 7 bilood ka hor uu dagaalka ka billawday Laascaanood iyo duleedkeeda.

Dagaalkan waxaa sidoo kale ka qeyb qaadanayey ciidamo xooggan oo ka yimid maamulka Puntland, kuwaas oo hab qabiil isu garab taagay dadka reer Laascaanood ee diiday ka mid ahaanshaha maamulka Somaliland.

Si kastaba rajadii Somaliland ee Laascaanood in ay mar kale ka arrimo ayaa soo idlaatay, waxaase laga dhursugayaa natiijada dagaalka ay ku goodiyeen maamulka Biixi in ay soo qaadayaan, xilli weli la xasuusto dhabar jabkii ka soo gaaray weerarkii Goojacadde.

WQ: Ayaanle Qoyste 

Exit mobile version