Sanadihii ugu danbeeyey dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa tahriibayey wadamo badan oo ka tirsan Caalamka iyagoo baadi goob ugu jira nolol dhaanta tii ay dhulkooda ku heysteen, waxaana jirta in dhallinyaradaasi qaarkood ay ku geeriyoodeen badaha halka kuwa kalana socdaalkooda sharci darrada ah awgeed loogu xiray dalal kala duwan.
Haddaba maxaa dhallinyarada Soomaaliyeed ku riixaya in ay dalkooda ka tahriibaan, maxaase laga qaban karaa arrintaasi, Dr Axmed Daahir Shaafi waa aqoonyahan bartay siyaasadda iyo xiriirka caalamiga, wuxuuna sheegay in tahriibka ay sababeyso rajo xumida dalka iyo siyaasadda Soomaaliya ee aan cagaha badan ku taagneyn.
Dadka ka hadlay waxyaabaha dhallinyarada ku xanbaaraya in ay dalkooda ka tahriibaan ayaa waxa ka mid ah Abuukar Shuute Xuseen oo ka mid ah Madaxda ururada dhallinyarada, kaas oo tilmaamay in amni darrada ka jirta dalka ay keeneyso in dhallinta ay tahriibto.
Dhallinyaro badan ayaa marka ay la kulmaan qolooyinka magafayaasha loo yaqaano waxa ay dib ula soo xariiraan waalidkooda oo laga yaabo markii hore in safarkooda aanu waxba ka ogayn haddaba waalidiintu qeyb maka yihiin tahriibka ubadkooda, waa kan mar kale Dr Shaafi oo arrintaasi ka waramaya, oo tilmaamay in waalidiinta ay daruuf ku qasbeyso in ay dhaqaalle u diraan ubadkooda marka uu magafaha qabsado.
Sida la ogyahay waxaa mudooyinkii ugu danbeeyey si weyn u soo shaac baxay kooxo shabakado ah oo dhaqaale ka sameeya tahriibinta dhallinyarada sida uu tilmaamayo Abuukar Shuute, oo tibaaxay in raggaasi ay yihiin kuwa dhalinta ku qal qaaliya tahriibka, isagoo ku baaqay in dowladda looga fadhiyo in ay dadkaasi soo qab qabato sharcigana la tiigsato.
Maaddaama howlaha la xiriira tahriibka dhallinyarada ay muddo dheer soo jiitameysay mala joogaa xilligan waqtigii howshaasi laga hortagi lahaa maxeyse ka qaban kartaa dowladda fedraalka Soomaaliya hakinta tahriibka, su’aashaas ayaan hordhiga Gudoomiyihii hore ee ururka haweenka qaranka iminkana ah isku duwaha nabada iyo amniga maamulka Gobolka Banaadir Caasho Cumar Geesdiir, waxana Caasha ay sheegtay in dowladda wax badan ay ka qabaneyso arrintaasi, iminkana si dhaw loola socdo.