Saturday, September 13

Waxaa Muqdisho ku soo gabagaboobay shalay oo War-murtiyeed laga soo saaray shirka golaha wadatashiga qaran, kaas oo ay ka maqnaayeen hoggaanada maamullada Jubalanad iyo Puntland.

Golaha Wadatashiga ayaa gaaray go’aano ay ka mid yihiin qodobada hoos ku xusan, kuwaas oo kala ah:

Golaha wuxuu go’aamiyay in ay lagama maarmaan tahay in la fuliyo heshisyadii horay loo galay isla markaana dalka la gaarsiiyo doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhisan nidaamka xisbiyada badan oo ay shacabka Somaliyeed si toos ah wakiiladooda ugu soo doortaan.

Golaha wuxuu isku raacay in si degdeg ah baarlamaanka federaalka loo horgeeyo sharciyada doorashooyinka, xisbiyada badan iyo guddida doorashada iyo xuduudaha.

Golaha wuxuu soo jeediyay iney xukuumadda JFS soo dhamestirto dhismaha Gudida Qaran ee Madaxabanaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha, waxaana sidoo kale Golaha uu isku raacay in Gudida Qaran ee Madaxabanaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha uu soo diyaariyo jadwal faahfaahsan oo ku saabsan habsami u socodka geedi socodka doorashada si shuruucda dalka waafaqsan.

Golaha ayaa dhanka kale soo jeediyey in Doorashooyinku ku qabsoomaan sida soo socota: Dowladaha Hoose waxay doorashadooda dhici doontaa Juun 2025, iyadoo Doorashada Baarlamaanka iyo Madaxda DXDF ay dhici doonto Sebtember 2025.

Haddaba Qododobadan oo ah kuwa kala erdheeyey madaxda dowladda dhexe iyo maamullada qaar sidee ku hirgali karaan?– waa weydiinta maankooda ka guuxeysa bulshada qaar.

Shacabka Qaarkood ayaa qaba in aan la fiirin rabitaanka maamulada maqan, waxaana ay soo jeedinayaan in laga socdo, maaddaama aysan diyaar u ahayn in dalka ay ka dhacdo doorasho rasmi ah oo ka duwan tii dadbaneyd.

Balse Shacabka qeyb kale oo ka mid ah ayaa ku baaqeysa in la tixgaliyo cabashada iyo maqnaanshaha siyaasiyiintan, si dalku uu hore ugu socdo, isla markaana loo helo heshiis doorasho oo wada ogol ah.

Qeyb kale oo bulshada ah ayaa iyaguna soo jeedinaya in qeyb ka mid ah labada dhinac ay la timaado tanaasul, waxaana ay ku baaqayaan in dadka aan loo horseedin qalalaaso, iyagoo ku talinaya in dhinacyada ay isugu yimaadaan miiska wada hadalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo casho sharaf uu u sameeyey barlamanka ka hadlay ayaa albaabada u furay maamullada maqan, isagoo xusay inuu diyaar u yahay inuu dhageysto tabashadooda, si khilaafaadka jira loo xaliyo.

Exit mobile version