Dayax Gacmeedka Khayyam ayaa xiligan walaac badan ku abuuray Mareykanka, Isr11l iyo xulafadooda ku taageersan duulaanka lagu qaaday Iran, waxaana dayax gacmeedkan uu noqday mid ay durba soo ban baxday doorka uu dagaalka ka qaadanayo, taas oo kordhisay Istaraatiijiyada ay Iran u adeegsaneyso dagaalka.
Muddo sanado ah Iran waxa ay dhismo ku waday barnaamijkeeda hawada sare, oo marba marka ka danbeysa sii kocbayey tan iyo sanadiii 2009-kii, iyadoo adeegsaneya mashiinada wadaniga sida Qassed iyo Zoljanah,, markii ugu horeysay Satellite-yadan ayaa loo adeegsaday kormeerka dhulka, xog ururinta, la socodka beeraha, iyo isgaarsiinta, dalkaasi kuwaas oo maxsuul fiican oo sawir qaadis ah uu ka soo baxay.
balse wakhtigan waxa ay Iran u adeegsaneysaa inuu dayax gacmeedka ka caawiyo duulaanka culus ee lagu soo qaaday,, Dayax gacmeedka Khayyam waa dayax-gacmeedka indho-indheya dhulka Iran iyo dhamaan xuduudaha ku xeydaanban, waxaana sawirada uu qaaday ay saamaxeen in weeraro xooggan ay Iran ku qaado gudaha Isr11l iyo saldhigyada mareykanka ee Bariga dhexe.
Sida warbixinada sheegayaan Dayax gacmeedka Khayyam waxaa dhistay shirkad laga leeyahay Ruushka oo lagu magacaabo VNIEM, taas oo qandaraas kula jirta wakaaladda hawada sare ee Iran.
Dayax gacmeedka Khayyam oo ay markii ugu horeysay Iiraan ay cirka u dirtay sanadkii 2022-kii waxa uu iran ka gacansiiyay fududaynta xogaha goobaha ay beegsanayso Tehran waana mid awood buuxda u leh in uu basaaso Saldhigyada, Magaalooyinka iyo goobaha muhiimka ah ee coddowga Iran.
Khayyam Miisaankiisu waa 650 Kiilo garaam wuxuuna sawirrada uu qaado u dira saldhig ku yaalla Ruushka, iyadoo intaa ka dibna xogta lala wadaagayo dayax gacmeedyada yaryar, taas oo looga gol-leeyahay in lagu marin habaabiyo Maraykanka, Israa’iil iyo xulufadooda hadii ay isku dayaan in ay raadraacaan.
Sida xoguhu sheegayaan Warbixinta uu soo diro dayac gacmeedka Khayyam waxa ay si toos ah ugu dhacdaa Saldhigga Bailkonur ee Ku yaalla Ruushka, waxa uu khayyam ku wareegaa dhul dhirirkiisu gaarayo ku dhowaad 500 oo kiilo mitir.
Awoodda Khayyam waa in uu soo basaaso ama soo xuuraamiyo Xeryaha Ciidanka, Xarumaha Sirdoonka, Ilaha Dhaqaalaha iyo meelaha laga maamulo teknoolajiyadda casriga ah si ay Tehran uga hortagto halis weliba oo ka dhan ah jiritaankeeda.
Howsha xuuraansi ee uu qabto Khayyam waxaa inta badan ka mira dhaliya, waaxda gantaallada ilaalada kacaanka oo goobta la so basaasay durba garaaca, waana waxyaabaha keenaya qeylo dhaanta iminka soo yeereysa.
sida la wada ogyahay Iran ayaa horay u sheegtay inay qorsheynayso tijaabooyin dheeraad ah oo la xiriira gantaalada dayax gacmeedka xambaara, kuwaas oo markii ugu horreysay ay dirtay bishii February ee sanadkii 2021-kii, waxeyna iminka u muuqataa in dadaaladaasi ay noqdeen kuwa suuragalay.
muddo ka hor Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa mar uu la hadlayey Foxes News u sheegay in Ruushka uu taageerro Iiraan qaddar yar balse hadalkiisa kadib waxaa warbaahinta u waramay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan oo sheegay in xiriirka kala dhaxeeya Moscow uu aad u wanaagsan yahay, waxaana saameynta uu yeeshay dayax gacmeedka Khayyam uu bidhaaminayaa xiriirka dhow ee ka dhaxeeya labada dhinac.
Wal wal badan ayaa laga dareemyaa qaar ka mid ah dalalka reer galbeedka kuwaas oo ka walaacsan Dayax gacmeedka Iiraan ee Khayyam oo sidoo kale lagu naaneyso (Indhaha Cirka Jira), dalalkan reer galbeedka ah waxa uu walaacoodu ku salaysan yahay in iran ay gacanta ku heyso xogtooda isla markaana kal hore la basaasay saldhigyadooda iyo xitaa meelaha ugu muhiimsan dalalkooda.
Si kastaba Iiraan ayaa iska dhistay dhinac weliba sida Ciidamada Dhulka, Badda, Cirka, Gantaallada casriga ah iyo Teknoolajiyadda,, waxaana hiigsiga yoolalkan ee xukuuumadda Tehran uu ka dhigan yahay riyo u rumowday Iran, taas oo muddo dheer diyaar garow ugu jirtay sidii ay isaga caabin lahayd duullaan kasta oo kaga yimaada Mareykanka, isr1ll iyo xulafadooda,,, kuwaas oo maanta sida muuqata Tehran ka dalbanaya wadahadalo xabad joojin ah, halka ay iyaduna taasi ka biyo diideyso, una diyaar tahay aargoosi iyo in dagaalka lagu kala adkaado.

