Friday, September 12

Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay kulan dood ah oo ku qotomay, doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku aadan arrimaha doorashooyinka, xilli dalka uu u dhaqaaqay doorasho qof iyo cod ah.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Barre, oo geba-gabadii madasha ka hadlay ayaa sheegay in qabashada kulankan dooda ah uu daarnaa codsi uga yimid qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed oo xafiiskiisa ku soo booqday, kuwaas oo ku jahwareeray hadalada ka imaanaya siyaasiyiinta diidan doorashada dadweynaha.

Dhallinta oo wasiirka ka dalbatay inuu qabto madal arrintaasi lagu gorfeynayo ayaa ka Tixgeliyey codsigooda, waxaana kulanka Muqdisho ka dhacay la isku weydaarsaday aragtiyo muhiim ah, oo ka qeyb qaadanaya dowlad dhiska dalka, iyadoo xoogga la saarayo doorka rasmiga ah ee ay dhallinyaradu ku lahaan karaan doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay isla qaateen Golaha Wadatashiga Qaran.

Dhallintii kulanka ka qeyb gashay ayaa muujiyey hal-karaankooda shakhsiyadeed, iyagoo dooda ka dhigay mid xanbaarsan nuxur, waana kuwa ka qeyb galkooda ka dhaxlay daruus faa’iidooyin badani ay ku dheehan yihiin, taasoo Wasiirku uu aad ula dhacay, waxaana sidoo kale Wasiir Maxamed Barre farxad gaar ah gelisay, qaabka ay dhallinta usoo camireen madasha, iyadoo qaarkood ay usuura gali weysay in ay gudaha soo galaan kadib markii uu hoolka ka buuxsamay, taas oo daliil u noqoneysa xiisaha ay dhallintu u qabeen mowduuca laga doodayey.

DULUCDA HADALKA WASIIRKA

Wasiir Maxamed Barre ayaa dhallinyarada hortooda ka ballan qaaday in Wasaaradiisa ay ballaarin doonto doodaha ceynkan oo kala ah, isla markaana la geyn doono degmooyinka gobolka Banaadir iyo dhamaan gobolada dalka, si loo ogaado aragtiyada dhallinyarada goobahaasi ku dhaqan, waxna loogu faa’iideeyo, maddaama ay tahay xuquuq asaasi ah oo dhalinta ay ku leeyihiin dowladnimada.

Caqabadaha jira ee diidaya in ay dalka dhan halmar ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, ayuu Wasiirku sheegay in aan loo lug xirnaan karin, waxaa taa baddelkeeda uu bidhaamiyey ahmiyada ay leedahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo bar-bilaw u noqota doorashooyin rasmi ah oo si siman dalka oo dhan uga dhaca, waxaana isagoo arrintaasi ka hadlayey uu tusaalle cudoon usoo qaatay dalka South Africa, gaar ahaan doorashadii uu ku soo baxay Nelson Mandela.

Sidaa awgeed Wasiirka ayaa tibaaxay in ay qasab tahay in loo diyaar garoobo doorashooyin ka qabsooma deegaanada ay dowladdu gacanta ku heyso, kuwaas oo aad u badan, marka loo bar-bar dhigo argagixisada Al Shabaab oo deegaanno kooban gacata ku heysa.

Wasiirka Maxamed Barre oo ay ka muuqatay niyad wanaag, ayaa tilmaamay inuu kalsooni badan ku qabo in dhawaan dalka oo dhan ay ka dhaceyso doorasho dadweyne oo mideysan, wuxuuna intaasi ka hor Dhallinyarada Soomaaliyeed uu ku booriyey in ay dhabar adeeg muujiyaan, isla markaana ay kaalin ka qaataan sidii ay u hirgali lahayd doorashadan gogol-xaarka u ah kuwa mustaqbalka.

Gebagabada hadalkiisa, Wasiirka Dhallinyarada Maxamed Barre, oo ah horseed ama hoggaan ay dhallinyaradu hiigsananayaan in ay siyaasadda ka gaaraan heerkiisa oo kale, ayaa dhallinta kula taliyey in dantooda ay ku jirto doorasho qof iyo cod ah, taas oo uu ku macneeyey xalka ugu dhaw ee dhallinyarada u saamixi kara in ay door muuqda ku yeeshaan siyaasadda, isla markaana ay hantaan xilal muhiim ah oo ay ugu adeegi karaan dalkooda iyo dadkooda Soomaaliyeed.

Ugu danbeytnii, Dhallinyarada oo si aad ah uga bogtay milgaha hawraarta uu Wasiir Maxamed Barre ka yiri kulanka, iyo sida sinaanta iyo daacadnimada leh ee uu doorkooda dowladnimada gacanta uga saaray, ayaa gebagabedii ku laabtay aqaladooda iyagoo maqsuud ah oo faham ballaaran ka heysta nuxurka doorashooyinka dadweynaha ee dalka ka qabsoomaya, waxaana Wasiir Maxamed Barre uu dareensiiyey dhallinta in ay yihiin cududa dalka, iyo tirada ugu badan ee Soomaalida, isagoo diidaya in qaluubta dhallinta ay dhaawaacaan siyaasiyiin danley ah oo kursi raadinaya, kuwaas oo sheega erayo niyad jab ah, oo ku wajahan in aanay doorasho qabsoomi karin.

WQ/ Ayaanle Xasan kaafi Qoyste

Exit mobile version