Friday, September 12

Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya waa mid dhex maquuraneysa marxalad hubanti la;aanayd, waxaana dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ay muujineysaa mayal adeyg iyo ka go’naansho ku wajahan hirgalinta mowqifkeeda siyaasadeed, xilli aysan gacanta ku heyn labbo maamul oo muhiim ah.

Hase ahaatee dhaqan gelinta qorshaha doorasho ee ay ku taameyso Villa Soomaaliya oo ah mid dadweyne, waxaa ka sokeeya caqabado badan, kuwaas oo xasan iyo kooxdiisa u diidaya in ay ka gungaadhaan hadafkooda.

Mida koowaad ayaa ah Maamullada maqan ee kala ah Jubaland iyo Puntland, kuwaas oo iminka sida muuqata aanay Madaxtooyadu diyaar u ahayn dib u hagaajinta xiriirkooda, taas oo sababtay in dhinacyadu ay maalinba maalinta ka danbeysa sii kala fogaadaan, waxaana labada maamul ay yihiin kuwo si cad u diidan qorshaha Xasan Sheekh.

2- Caqabada labaad ayaa Xasan Sheekh uga imaaneysa Mucaaridka xildoonka ah oo waqtigan la soo ban baxaya cudud la taaban karo, iyo mowqif adag oo ku saleysan diidamada rabitaanka Madaxtooyada, iyagoo mudooyinkan kordhiyey kulamadooda iyo weedhaha adag ee warbaahinta u marinayaan Villa Soomaaliya.

Rooble oo ugu danbeeyey waxa uu sheegay in marnaba aan la aqbali doonin muddo kordhin, wuxuuna taa baddelkeeda Xasan kula taliyey inuu qabto doorasho loo dhan yahay.

Madaxtooyada Qudheeda waxey kordhisay caddaadis ay saareyso siyaasiyiinta xildoonka ah iyo xubnaha ay bahwadaagta yihiin, iyadoo hakisay safaro ay siyasiyiinta qaar ku tagi lahaayeen maamullada khilaafka uu kala dhaxeeyo Villa Soomaaliya.

Culeyska seddexaad Villa Soomaaliya ayaa kala kulmeysa dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, waxaana marba marka ka danbeysa ay kooxdu bidhaamineysaa awoodooda milatari, waaana kuwo fursad ka dhex arka meehanawga siyaasadeed ee jira, taas oo Xasan ku qasbeysa inuu il gaar ah kula socdo, waqti badana galiyo dagaalka kooxdan, xilli Mareykanku uu hakiyey taageradii Milatari ee uu Soomaaliya siin jiray.

Mida 4-aad ee ugu danbeysa ayaa ah caddaadis Xasan Sheekh uga imaanaya ururada bulshada rayidka, kuwaas oo ku baaqaya in miiska wada hadalka uu yimaado, qabtana doorasho wada ogol ah, halka shacabka oo ay hoos u dhacday kalsoonidii ay dowladdan ku qabeen, ay iyaguna ka daadageyn muddo kordhin hor leh, taas oo sababi karta dibadbaxyo, badbaado qaran kale iyo in caalamku go’aan ka qaato siyaasadda Soomaaliya.

Si Kastaba Xasan Sheekh, waqtiga diyaarinta doorashada uu ku taamayo oo aad u kooban iyo caddaadisyadan kala duwan ee uu wajahayo, ayaa aakhirka soo de-dejinaya inuu ka tanaasulayo qorshihiisa doorashada, waxaase haddii uu haleeli waayo xaqiiqda ay keeni kartaa dhibaato hor leh oo horseedi karta inuu mugdi hareeyo mustaqbalka dowladnimo ee Soomaaliya.

Exit mobile version