Itoobiya ayaa si rasmi ah u daah-furtay Biyo-xireenka Renaissance (GERD), mashruuca ugu weyn ee tamarta laga dhaliyo qaaradda Afrika, kaas oo ku kacay in ka badan $5 bilyan.
Munaasabadda furitaanka waxaa hareeyay calamo, diyaarado dagaal oo cirka loo diray, bandhigyo farshaxan iyo heeso, taas oo qiiro gaar ah ku abuurtay shacabka Itoobiya.
Madax badan oo Afrika ah ayaa goobjoog ahaa, taas oo xoojisay muuqaalka in GERD uu yahay mashruuc aan kaliya Itoobiya u gaar ahayn balse muhiimad weyn u leh guud ahaan gobolka.
Awood Tamareed.
Biyo-xireenka Renaissance waxa uu hadda shaqeynayaa laba matoor oo dhalaaya 750 MW, balse qorshaha dhammaystirka mashruuca waxa uu kor u qaadi doonaa awoodda guud ee koronto dhallinta ilaa 5,150 MW. Tani waxay ka dhigan tahay in Itoobiya ay si buuxda u dabooli karto baahideeda gudaha isla markaana ay koronto u dhoofin karto waddamada dariska ah sida Jabuuti, Suudaan, iyo Kenya.
Korontada la filayo in laga dhaliyo GERD waxay awood u siinaysaa Itoobiya inay noqoto xarunta tamarta cagaaran ee Geeska Afrika, taas oo horseedi karta horumar dhaqaale, warshado cusub iyo shaqo abuur ballaaran.
Fariinta Qaranimo iyo Mideynta Shacabka
Mashruucan oo la bilaabay sannadkii 2011 ayaa noqday astaan qaran oo mideysa Itoobiya. Xitaa marar uu la kulmay cadaadis dhaqaale, khilaaf siyaasadeed iyo dhaliilo caalami ah, shacabka Itoobiya waxay si iskutashi ah ugu tabaruceen lacag, canshuuro iyo deeqo kale si mashruucu u hirgalo. Sidaas darteed, maalintan furitaanka rasmiga ah waxa ay astaan u tahay guul wadajir ah oo shacab iyo dowlad.
Khilaafka Biyaha iyo Doodaha Gobolka
In kasta oo Itoobiya ay u aragto GERD “il horumar iyo fursad wadajir ah,” haddana Masar iyo Suudaan waxay ka muujiyeen walaac xooggan. Labadan dal ayaa ku doodaya in xannibida biyaha Wabiga Nile ay khatar ku tahay noloshooda iyo beerahooda. Masar si gaar ah ayey arrintan uga dhigtay mid amni qaran ah, iyadoo sheegtay in halista biyo yaraanta ay ku abuurayso xiisad siyaasadeed iyo mid bulsho.
Dowladda Itoobiya ayaa ku adkaysanaysa in biyo-xireenka uusan waxyeello joogto ah u geysan doonin dalalka hoos taga webiga, balse uu si siman uga faa’iideyn doono dhammaan gobolka, iyadoo koronto iyo horumar dhaqaale la wadaagi kara deriskeeda.
Saameynta Gobolka iyo Afrika
Furitaanka GERD waxa uu dhici waqti ay Addis Ababa martigelineyso shirweynaha Africa Climate Summit, taas oo sahashay in madax badan oo qaaradda ah ay goobjoog ka noqdaan. Arrintan waxay calaamad u tahay sida mashruucani ugu dhex xirmay doodaha waaweyn ee ku saabsan cimilo-saaxiibnimo, tamar nadiif ah iyo horumar waara.
GERD waxa uu xoojinayaa awoodda Itoobiya ee hoggaaminta gobolka, wuxuuna abuurayaa tartan siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo cusub oo ku saabsan maamulka kheyraadka dabiiciga ah ee Afrika.