Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya, waxa uu maanta gollaha Barlamanka ka hor jeediyey, khudbad aad loo sugayey, taas oo si cad u bidhaamineysa sida uusan ula dhacsaneyn siyaasadda Madaxweynaha kursiga ku fadhiya ee Xasan Sheekh Maxamuud.
Khudbada Shariifka ayaa marka dhanka kale laga eego cod u ah siyaasiyiinta mucaaridka ee ka soo horjeeda arrimaha la xiriira dhameystirka dastuurka, kuwaas oo kal hore muujiyey sida ay u diidan yihiin in la guda galo howlaha dastuurka.
Khudbada Shariif Sheekh Axmed ayaa laga dhadhansan karay heerka ay kala joogaan isaga iyo Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna adeegsaday weedho kulul oo xoojineysay diidmadiisa.
Shariif Sheekh Axmed, ma durin oo qura arrimaha dastuurka qabyo qoraalka ah, wuxuu sidoo kale dhaleeceeyey arrimaha amniga, isagoo xusay in dalka uu marayo marxalad amni tii ugu darneyd.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, ayaa dowladda uu majaraha u hayo Xasan Sheekh ku tilmaamay mid qarka ka tuureysa dalka, isla markaana kala irdheyneysa bulshada Soomaaliyeed.
Wuxuu Tilmaamay in habka dastuurka loo dhameystirayo uu yahay mid bulshada iska horkeenaya, abuurayana kala qob qob, maddaama sida uu tibaaxay aanan heshiis lagu ahayn howlaha dhameystirkiisa.
Eedaha culus ee uu Shariifka u jeediyey Dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo de-dejin karta in dhamaan mucaaridka ay seefta gasha kala baxaan, waana arrin iftiimineysa in la gaaray waqtigii ay is muujin lahaayeen macaaridka kursi doonka ah, sida caadada ku ah siyaasadda Soomaaliya.
Dhaliilaha kala duwan ee uu Shariifka u jeediyey dowladda iminka shaqeyneysa, ayaa ku soo aadeysa xilli mudooyinkii ugu danbeeyey uu soo if baxayey khilaafka u dhaxeeya Xasan Sheekh iyo siyaasyiin uu ku jiro Shariif Sheekh Axmed.