Sunday, September 14

Dowladda Soomaaliya ayaa labbo casho ka hor ku dhawaaqday in ay u baahan tahay dhulka Qabuuraha Iskool buliisiiyo ee magaalada Muqdisho, halkaas oo in ka badan 30 sano lagu aasayey dadkii siyaabaha kala duwan ugu geeriyooday Muqdisho.

Dowladdu waxey sheegtay in dhulkan ay u baahan tahay, isla markaana ay ka dhiseyso xarun uu yeesho ciidanka ilaalada Xeebaha Soomaaliya, waxeyna dadka ay eheladooda halkaas ku aasan yihiin ku wargalisay in ay 10 casho meydadka ugala baxaan.

Qeylo Dhaanta Bulshada

Arrintaan ayaa walaac badan ku abuurtay dadka eladooda ay Qabuurahaasi ku aasan yihiin, waxeyna shalay isugu soo baxeen afaafka hore ee Qabuuraha Dugsiga Booliska, iyagoo dowladda ka codsaday in ay ka laabato qorshahan.

Dadka qaar oo eheladooda la aasay xilliyo hore ayaanan aqoonin halka ay Qabuuraha kaga duugan yihiin, waxaana taasi ay dhaxal siisay wal wal aad u fara badan.

Uurkutaalada ay wajahaan qoysaska

Xilligan uurkutaalo xanuun badan ay wajahayaan qoysaska qaarkood, kuwaas oo durba eheladooda halkaasi ka soo saartay, waxana mar labaad utun ku noqotay in ay milicsadaan qabriyada eheladooda, isla markaana ay gacmaha ku soo qaataan hilbaha kuwii ay jeclaayeen ee ay nolosho kala fogeysay.

Dadka Qabuuraha kala baxay eheladooda ayaa ah, kuwo jeeb roon, oo iska bixiyey tasiilaadka uu Maamulka Gobolku ku soo saarayo meydadka halkaasi ku aasan, waxaana soo bixinta meydka ama faagida qabriga lacag ahaan ku baxeysa $70 dollar halka amblance meydka la saarayana ay tahay $40 dollar.

Baahida dowladda ee dhulka Qabuuraha

Wey jirtaa in dowladda Soomaaliya ay baahi weyn u qabto xilligan dhul ay saldhig uga dhigto ciidamada ilaalada xeebaha, xilli dhawaan uu billaabanayo dhaqan galka heshiiskii Soomaaliya iyo Turkiga ee ku wajahnaa difaaca badda Soomaaliya.

Balse dowladda oo dhul baaxad leh oo kale heli karta in ay dib ugu soo laabato Qabuuro ay dad Soomaaliyeed ku aasan yihiin, ayaanan farxad galinin dad badan, waana sababta keeneysa hadal heynta faraha badan ee ay sheekadani abuurtay.

Saameynta ay ku yeelan karto Madaxweynaha Xafiiska Jooga

Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Madaxweynaha iminka Xafiiska jooga, waxey inta badan shacabka Soomaaliyeed ku eedeeyaan arrimo la xiriira dhul boob iyo in qoyskiisa ay faragelin ku hayaan xukunkiisa.

Balse qorshahan Qabuuraha la xiriira ayaa noqon kara mid wiiqa siyaasadiisa, isla markaana dhaawaca hanka uu ka leeyahay sii joogida kursiga, waxaana sida qubaradu sheegayaan, haddii tallaabadan uu ku dhaqaaqo adkaan doonta inuu bulshada ku qanciyo siyaasadiisa.

Culumadii hadashay

Waxaa jirtay Culumo ka tirsan Majmaca Culumaa’udiinka Soomaaliyeed, kuwaas oo dowladda ku wehlinayey fagaarihii ay ku shaacinayeen in dhulkan loo baahan yahay, waxaana Culumadaasi oo hadlay ay sheegeen in diintu aanay waxba ka qabin in dadka meydadkooda la baxaan, haddii dhulka ay ku aasan yihiin aanu waqaf ahayn.

Odhaahyadii ay halkaasi ka jeediyeen ayaa noqday kuwa si weyn loo hadal hayo, waxaana bulshadu ay sheegayaan in Culumada waqtigan ay ku milmeen siyaasadda, islamarkaana ay qorshe walba horboodayaan iyagoo eeganaya danahooda shakhsiga ah.

Gabogebo

Ugu danbeyntii Dowladda Soomaaliya ayaa waqtigan waxaa la gudboon in qorshahan ay dib u dhigto, balse haddii ay ku dhiirato waa mid sababi kara in bulshadu ay ka rajo dhigto madaxda maanta dalka ugu sareysa, waxaase laga dhur sugayaa halka uu xaalku ku danbeyn doono.

Exit mobile version