Saturday, March 7

Xilli uu sii xoogeysanayo dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan, ayaa la soo werinayaa in ay gabaabsi yihiin Gantaalada Iran, taas oo dhabar jab weyn ku ah xukuumadda tehran, balse xogtani ma ahan mid xaqiiqda ku qotonta, waase dagaal maskaxeed oo lagu tijaabinayo quwada iyo tirada gantaalada Iran.

Dhawaan Saraakiisha reer Galbeedku waxay tilmaameen hoos u dhac ku yimid tirada gantaallada ay Iiraan adeegsato, halka sidoo kale Taliyaha ugu sarreeya Maraykanka, uu isna xusay in adeegsiga gantaallada ballistic-ka ee Iiraan ay hoos u dhaceen 86% marka loo eego maalintii ugu horreysay ee dagaalka . Taliska Dhexe ee Maraykanka ee Centcom ayaa dhinacooda sheegay in 24-kii saac ee u dambeeyay la arkay hoos u dhac gaaraya 23% oo soo wajahay gantaalada Iran.

Haddaba maxaa laga ogyahay Quwada iyo tirada gantaalada Iran?

Sida xoguhu tibaaxayaan Iiraan waxay leedahay gantaallo riddo gaaban iyo kuwo dhexdhexaad ah oo gaari kara masaafooyin kala duwan. gantaallada gaagaaban waxay gaari karaan masaafo u dhaxaysa 300 ilaa 1000 kiiloomitir. gaar ahaan Dalalka u dhow Iiraan, sida dalalka Khaliijka oo baaxadda gantaalada Irana ay gaari karaan.

Sidoo kale, gantaallada dhexdhexaadka ee iran ah waxay gaari karaan Israel, maaddaama masaafooyinkoodu yihiin 1000 ilaa 2000 kiiloomitir, sida warbixinada rasmiga ah ku xusan.

Awooda keydka hubka Iran waxaa muujinaya in kacaanka islaamiga aanu wax u dhibin geerida hoggaamiyihii ruuxiga ahee dalkaasi Ayatulah Ali Khumnie, ilaa iyo hadda tirada gantaallada lagu bartilmaameedsaday dalalka Khaliijka ayaa ka badan 550 gantaal, tan iyo subaxnimadii 28-kii Febraayo ilaa duhurnimadii 4-tii Maarso, sida ay sheegeen wasaaradaha difaaca ee Sacuudi Carabiya, Qatar, Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Kuwait.

Marka laga hadlayo dhininaca Israa’iil, Iiraan waxay ku garaacday qiyaastii 36 weerar oo gantaallo loo adeegsaday afartii maalmood ee ugu horreeyay ee dagaalka, taas oo bidhaamineysa quwada awooda Iran, iyo ka go’naanshaheeda ku aaddan aargoosiga.

Dhankeeda, Iran ma aysan bixin faahfaahin sax ah oo ku saabsan tirada gantaallada ay isticmaashay. waxeyse si kooban u sheegtay inay ridday 17 mowjadood oo gantaallo ah oo ku wajahnaa bartilmaameedyo Maraykan iyo Israa’iil ah, waaana isku dey tehran ay ku ilaalinayo keydkeeda hubka.

Dagaalka ka hor Israa’iil waxa ay qiyaastay in Iiraan ay haysatay ku dhowaad 2,500 gantaal baalistig ah. Waxaana Mark Rubio, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, uu si cad u qiray in Iiraan ay soo saarto bishii qiyaastii 100 gantaal.—taas oo ka dhigan in Gantaalaleedu aan la qiyaasi karin

Marka la milicsado gantaalada Iran, gudaha Iran waxaa ku yaalla saldhigyo kala duwan oo lagu keydiyo gantaalada laguna farsameeyo, Tusaalle: Caasimada Dhulka hoostiisa ama magaalada gantaaladda waa eray bixin ay Iran ugu yeerto saldhigyadeeda ku yaalla dhulka hoose, erayga Magaalada gantaalada oo muddo dheer soo jiray waa mid ay curintiisa leeyihiin ilaalada kacaanka waxaana llagu qeexaa muhiimada ay ku fadhiyaan saldhigyadan gantaalada ee ku yaalla oogada hoose ee dhulka.

Saldhigyada dhulka hoostiisa ee Iran ayaa qodan wax ka badan 500 mitir oo hoos ah, waxana saldhigyadan loo dhisay qaab casri ah, oo ay ku dheehan tahay xirfad iyo injineernimo qaas ah, taas oo aanay cidna la wadaagin Xukuumadda Tehran.

Saldhigyadan dhulka hoostiisa ah ayaa keydiya, madaafiicda, gantaalada casriga ah iyo diyaaradaha dagaalka ee Iran, waxaana ilaa iyo iminka aan si rasmi ah loo ogayn halka ay saldhigyadan kaga yaallaan gudaha Iran, taas oo dharbaaxo ku ah Mareykanka iyo Israa’iil.

Madaafiicda iyo gantaalada saldhigyada ku keydsan iyo kuwa lagu sanceeyo waxaa laga xusi karaa madaafiicda kala ah” kheybar, xaaji qaasim, Imad, sajeel iyo kuwo kale,, gantaalada balastiga ee Imad ayaa ka mid ahaa kuwii loo adeegsaday weerarkii Iran ay ku qaaday Israa’iil, kaas oo bur buriyey gabi ahaanba saldhigii cirka Nafatim ee Israa’iil.

saldhigyadan dhulka hoostooda ah ayaa muujinaya in Iran ay ku guuleysatay muujinta in ay cudud u leedahay in ay xajisato awoodeeda gantaalada xitaa marka la weerarayo saldhigyadeeda gantaalada ee dhulka hoostiisa ku yaalla.

Dhanka diyaaradaha Iran sida ku salaysan xogta wasaaradaha difaaca ee dalalka Khaliijka waxa muujinayan in Iran ay weerarrada ay ku beegsanayso dalalka Khaliijka ay si weyn ugu tiirsan tahay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn marka loo eego gantaallada baalistiga, ilaa iyo hadda Waxaa lagu qiyaasayaa in 1,493 diyaaradood oo aan duuliye lahayn laga soo diray Iran, kuwa oo ku wajahnaa dalalka Khaliijka.

Haddaba waa kee saldhigga ugu weyn ee diyaaradaha Iran?

21-kii bishii februry 2023-kii ayey ahayd markii ugu horeysa ee ay Iran xariga ka jartay saldhigii ugu horeeyey ee dhulka hoostiisa mara, kaa oo loogu tala galay diyaaradaha dagaalka, waxana saldhigan oo la yiraahdo AQAB 44—- uu yahay mid qaadi kara dhamaan noocyada kala duwan ee diyaaradaha dagaalka, marka lagu daro kuwa aan duuliyaha lahayn.

saldhigan oo ah kan caalamka waqtigan ugu weyn marka loo bar bar dhigo saldhiyada ku yaalla dhulka hoostiisa, waa mid awood u leh in aanay gudihiisa soo galin gantaalada casriga ah ee ay adeegsadaan Mareykanka iyo israa’iil.

Saldhigan ayaa sidoo kale si joogto ah loogu farsameeyaa noocyada kala duwan ee diyaaradaha ay Iraan adeegsato waxaana diyaaradahaasi ka mid ah diyaarada caan baxday ee Shahed.

Sida la ogyahay Iiraan ayaa soo saarto tobannaan kun oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee la yiraahdo (Shahed) oo ay u adeegsato weerarrada ka hor dagaalka, waxaana xeeldheerida Iran ay soo de-dejisay in farsamadan u dhoofiso Ruushka, kaas oo isticmaalay nooc ka mid ah diyaaradaha Shahed dagaalka Ukraine. Sidoo kale Xitaa Maraykanka ayaa ka soo min guuriyay Iran naqshadda diyaaradahan.

Cadadda weerarada gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay qaaday Iran ayaa marka dib loo laabto ka badan intii ay Tehran adeegsatay dagaalkii hore ee ay la gashay Israel, markaas oo ay ridday qiyaastii 500 gantaal muddo 12 maalmood gudaheed ah , dhanka kale Tirada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa sidoo kale ka badan kuwii ay Tehran ku weerartay Israel intii lagu jiray dagaalkii 12-ka maalmood socday, maadaama xogta rasmiga ah ay sheegeyso in 1,100 oo drone ah oo Iiraan ay leedahay lagu weeraray Israa’iil waqtigaas.

Sida kastaba Mareykanka Israa’iil iyo reer galbeedka ayaa xiligan wadnaha farta ku haya, waana kuwo is weydiinaya Ilaa goorma ayay Iiraan sii wadi kartaa adeegsiga gantaalaha iyo weerarada diyaaraaha aan duuliyaha lahayn?

Dhab ahaantii waa su’aal jawaabteeda ay adag tahay, waxaase qubarada falanqeysa xiisada bariga ka oogan ay sheegayaan in ay Iran ay sii wadi doonto istaraatijiyaadeeda ku dhisan aargoosiga, waxaana keydooda oo ballaaran iyo xog yarida heysata Mareykanka iyo Israa’iil ay keeni kartaa in la soo baxaan quwad ka badan tan la filayo, taas oo colaadda sii daba dheereyn karta.

W/Q: Ayaanle Abdirahman Qoyste

Exit mobile version