Friday, September 12

(Hortabin Media) – Xiisada ka dhalatay heshiiskii ay Itoobiya la gaartay Somaliland ayaa u muuqata mid abuureysa xasilooni darro iyo colaad ku soo food leh gobolka, taas oo culeys kale oo amni abuureysa.

ITOOBIYA IYO SOMALILAND

Shalay waxaa kulmay Taliyaha Millateriga Somaliland Sareeye Gaas Nuux Taani iyo Taliyaha Milateriga Ethiopia Marshal Birhanu Julana, waxana kulankaasi uu ka dhacay Addis Ababa.

Kulankan ayaa lagu lafa guray arrimo kala duwan, oo ay ugu weyn tahay, sidii Itoobiya ay u hirgalin lahayd heshiiskii ay Somaliland la gashay, kaas oo loogu saxiixay in muddo 50 sano ah laga kireeyo 20-km oo ka mid ah biyaha Soomaaliya.

Si qorshahaasi ay Itoobiya u fuliso, waxey waqtigan qorsheyneysaa in iskaashi dhanka Milatariga ah ay la yeelato Somaliland, si ay yoolkeeda uga gungaadho, iyadoo isticmaaleysa awood milatari.

Itoobiya ayaa u muuqata mid iska indha tireysa baaqyada caalamiga ah, ee lagu xoojinayo, go’aanka ay Soomaaliya ka qaadatay heshiiskii ay Somaliland la gashay.

Weedahaha ka soo baxaya Xukuumadda Addis ayaa u muuqda kuwa weli aan ka rajo dhigan heshiiskaasi, waxaana qoraal ka soo baxay Milatariga lagu sheegay in heshiiskaasi uu yahay mid muhiim ah, una baahan dhaqan galin, maadaama ay kordheyso tirada dadka Itoobiyaanka oo ku sii socta 150 milyan.

Itoobiya ayaa han weyn ka leh, in 20-km ee loo saxiixay, ay ka dhisato Dekad marin biyood u noqoto ganacsigeeda, iyo saldhig ciidan, waxaase taasi ku hor gudban Soomaaliya oo waqtigan saaxiibo cusub abuureysa.

MASAR IYO SOOMAALIYA

Masar oo ay Itoobiya kala dhaxeyso khilaaf xooggan oo dhanka webiga Nile ah, ayaa tan iyo soo ifbixii heshiiskan, waxa ay saaxiib bah wadaag ah la noqotay Soomaaliya.

Masar ayaa Soomaaliya u soo dirtay Wafdi heer caalami ah, kuwaas oo la kulmay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo u fidiyey casuumaad uga timid dhigiisa dalka Masar Abdel Fattah El-Sisi.

Waqtigan waxaa lagu wadaa in Xasan Sheekh uu gaaro Qaahiro, halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi, waxaana labada dhinac ay ka arrinsan doonaan, sidii ay isaga kaashan lahaayeen hirarka siyaasadeed ee uga imaanaya Xukuumadda Addis.

Soomaaliya waxey u muuqataa mid si weyn ula dhacsan isu soo dhawaanshaha iyaga Iyo Masar, maaddaama xukuumadda Qaahira ay u ballan qaaday, in ay garabkooda ahaaneyso xag diblomaasiyadeed iyo mid milatariba.

Arrimahan waa kuwo xaaladda sii cakiraya, waxaana damaca Itoobiya lagu micneyn karaa mid qar iska tuurnimo ah, kaas oo ay ka dhallan karto, Xasilooni darro gobolka oo dhan saameysa, xilli caalamku ay baqdin ka qabaan in xiisadan ay fursad siiso ururada argagixisada ah.

Exit mobile version