Thursday, September 11

Muqdisho ayaa lagu aasay Luul Cabdicasiis oo ahayd hooyo korineysay lix caruur ah oo ay dhashay, kuwaas oo ahaa agoon, Aabahood hore u geeriyooday.

Luul ayaa sababsatay gacanta sayigeeda, iyadoo lahayd uur, waxaana geerideeda ay argagax ku abuurtay inta badan bulshada Soomaaliyeed, maaddaama ay u geeriyootay dab uu sayigeeda qabadsiiyey aqalkii ay ku wada noolaayeen.

Dilkeeda ayaa loo sababeeyey arrimo la xiriira maseyr, ama hinaaso, taas oo sayigeeda oo lagu magacaabo Sayid Cali Macallin Daa’uud ku qasabtay inuu gubo.

Ninkan ayey maxkamadda Gobolka Banaadir ku xukuntay dil toogasho ah, wallow qareenkiisa uu xukunka ka qaatay Racfaan, dhawaan la soo mudeyn doono waqtiga loo fariisanayo.

Gabadha Marxuumada ah ayaa wax ka badan bil ku jirtay Faranjiyeer, hase ahaatee ehelada ayaa shalay go’aansaday in la aaso maanta, taas oo suuragashay, waxaana aaskeeda ka soo qeyb galay dad aad u fara badan oo ay dhacdadan xanuujisay.

Aabaha Luul oo hadlay ayaa sheegay in ay sugayaan in xukunka dilka ah lagu fuliyo denbiilaha, isagoo ragga Soomaaliyeed uga digay in ay ku dhaqaaqaan falalka ceynkan oo kala ah, waxaana uu u mahadceliyey madaxda dowladda ugu sareysa, oo sida uu sheegay kaalin weyn ka geystay caddaalad u raadinta kiiskan.

Sanadihii ugu danbeeyey waxaa xoogeystay khilaafka iyo is faham waaga soo kala dhex gala qoysaska Soomaaliyeed, waxaana mararka qaar dhacda in labada lamaane uu mid ku fekaro dhibaateynta kan kale, taas oo hadal heyn badan abuurta.

Exit mobile version