Monday, October 27

Xilligan waxaa xoogeystay khilaafkii mudooyinkii ugu danbeeyey u dhaxeeyey dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Maamulka Puntland oo xubin ka ah maamul goboleedyada dalka.

Khilaafkan ayaa cirka isku shareeray toddobaadkan, kadib markii Barlamanku uu guda galay ka doodista arrimaha la xiriira dastuurka, si loo dhameystiro.

Puntland ayaa si cad uga soo horjeesatay tallaabada Barlamanka ee ku aaddan furida doodaha Dastuurka, waxeyna Madaxweynaha dowladda Fedraalka Xasan Sheekh ku eedeeyeen inuu baal marayo sharuucda dalka.

Puntland waxey sheegtay in aan wax talo ah laga siinin arrimaha la xiriira dastuurka, taas oo sida ay tilmaantay ay xaq u lahayd sida uu dhigay cutubka 15-aad ee Dastuurka.

Maamulka Puntland ayaa cod dheer ku sheegay in qorshaha dowladda federaalka uu dalka u horseedayo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni, taas oo ay ku tilmaameen nasiib darro dhaawaceysa isku heynta bulshada Soomaaliyeed iyo dowladnimadooda.

Dhanka kale Madaxweynayaashii hore Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa hoosta ka xariiqay inuu fashil ku dhamaaday wada hadal ay isugu soo dhaweynayeen Xasan Sheekh iyo hoggaanka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni.

Sida lagu sheegay War-saxaafadeed ay soo saareen labada Madaxweyne, wada hadalka oo ahaa dhanka khadka Taleefanka ayaa lagu guuldareystay, kadib qanaaco la’aan ka timid Madaxweyne Xasan Sheekh, oo sida ay sheegeen aan diyaar u ahayn inuu xaliyo khilaafka kala dhaxeeya Puntland.

Puntland ayaa muujineysa tabasho aad u fara badan, waxaanay ku doodeysaa in la baal maray, isla markaana aanay wax tallo ah ku lahayn arrimaha masiiriga ee dalka ka socda, oo sida ay sheegtay ay xuquuq dastuuri ah u leedahay wax ka dhihistooda.

Khilaafkan oo muddo dheer soo jiitamayey, ayaa saameyn culus ku yeeshay wada shaqeyntii dowladda dhexe iyo maamulka Puntland, waxaana waqtigan aad u adag in xal laga gaaro is-faham waaga jira, sababo la xiriira dhinacyada oo uu mid waliba wato sharuudo aan is ayideen.

Exit mobile version