Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ee Iran wa qeyb ka mid ah Milatariga Iran, waa ciidan si gaar ah loo soo xulay, loo carbiyey, kana dhisan dhinac walba sida qalabka, niyada iyo cududa, waxaana sidoo kale laga fikiray baahidooda shakhsiyadeed, taas oo sababtay in ciidamadani ay jiifka iyo joogaba u diidaan Mareykanka, israa’iil iyo xulafadooda, marka loo eego kaalintooda ku aaddan dagaalka xiligan ka socda Bariga dhexe.
Ciidamada ilaalada kacaanka waxa dhidibada loo taagay sanadkii 1979-kii, cadadiisa inta la ogyahay waa 190,000 oo askari waana ciidan dhan walba ka dhisan, kaas oo door ku leh arrimaha militariga, siyaasadda iyo dhaqaalaha Iran, wuxuu si toos ah u ilaaliyaa hoggaanka dalkaasi iyo nidaamka Jamhuuriyadda Islaamiga ah, waxana la oran karaa waa awoodda rasmiga ah ee ay ku taagan tahay Iran.
Asbaabaha Sooyaalka soo if baxooda marka aanu milicsano waxaa la unkay ciidamadan Ka dib dhicidii awoodii boqortooyadii Shah ee ka talin jirtay Iran, mas’uuliyiintii wakhtigaasi waxay ogaadeen inay u baahan yihiin ciidan weyn oo u heellan hadafyada nidaamka cusub iyo inay difaacaan qiyamka iyo mabaadi’da kacaanka.
Hogaamiyashu waxay diyaariyeen xeer cusub oo ay ku jiraan ciidamada caadiga ah ee milateriga, kuwaas oo loo igmaday ilaalinta xuduudaha dalka iyo ilaalinta amniga gudaha, iyo ciidamada ilaalada kacaanka (Pasdaran) oo loo xilsaaray si guud ilaalinta nidaamka talada haya.
Yagleelidooda kadib, waxey noqdeen ciidan masuuliyad iska saara amniga gudaha, dibadda kan badda, cirka iyo in xitaa ay saameyn ku yeeshaan dalal kale oo gobolka ah, muddo kooban gudaheed ciidamada ilaalada kacaanka wey ka soo dhalaaleen masuuliyadasi, waxeyna isku suntanaadeen ciidan leh cudud loo riyaaqo oo ku sidkan hab siyaasi ah iyo mid dhaqaale marka la joogo gudaha Iran, waxeyna sidoo kale dhanka dibadda kaalin mug leh ku yeesheen sameynta ururo islaami ah, oo carqaladeeya yoolka Mareykanka, Israa’iil iyo xulafadooda, waxana ururada ay garab istaageen ugu caansan Xisbulahda Lubnan iyo xuutiyiinta Yamen.
Hubka ugu culus gudaha iran waxaa ku howlgala ciidamada ilaalada kacaanka, waxana Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ay haysataan hub aad u ballaaran, oo inta badan lugu soo saaray gudaha Iran, kuwaa oo ay ku jiraan gantaallada riddada dheer ee (Shahab-3, Kheibar), gantaallada hypersonic (Fattah-1/2), iyo tiro badan oo ah diyaaradaha wax duqeeya. Waxay ciidankan ku howlgalaan farsamo iyo xeelad u gaar ah, waxaana qeybtooda ciidamada badda ay adeegsadaan gantaalaha lidka maraakiibta, oo ay barbar socdaan shabakad weyn oo gantaallada dhulka hoostiisa ah.
Ciidanka Badda: Waxa kale oo ay ku hawlgalaan doomaha dheereeya ee weerarka, gantaalaha xeebaha ee ka hortagga maraakiibta ee lagu magacaabo (Noor, Qader), iyo gantaalaha ballistic-ga ee maraakiibta ee la yiraahdo(Khaliij Fars). Ciidamada badda ee ilaalada kacaanku waxey kaloo adeegsadaan miinooyinka la geliyo biyaha hoostiisa.
Ciidanka Hawada Sare: ee ilaalada kacaanku Waxa ay maamulaan gantaalada istiraatijiga ah, ee masaafadood u dhaxeyso 110 ilaa 2,000 km, kuwaas oo magacyadoodu kala yihin Ghadr iyo Sejjil, waana kuwo sidoo kale ku howlgala gantaalada sida saxda ah loo hago ee Dezful iyo Hajj Qassem. Waxay sidoo kale ilaaliyaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, oo ay ku jiraan Shahed iyo UAV-yada kale ee dagaalka loo isticmaalo.
Ciidamada Dhulka ee ilaalada kacaanka ayaa iyaguna leh tayo iyo istaaratiijiyad mar la arag ah : Waa kuwo adeegsada gantaalada kala duwan ee “Toophan” kuwa lidka taangiga ee la hagayo ee (gantaallada TOW-ga loo rogay) waxayna dhowr jeer muujiyeen awoodaha soo saarista walxaha qarxa iyo agabka sirta lagu ururiyo, taas oo anfariir iyo cabsi ku abuurtay Israa’il iyo xulafadooda.
Ilaalada kacaanku waxey dhanka kale maamulaan barnaamijyada gantaalaha ballistic-ga ee Iran waana kuwa loo igmado dagaalka aan caadiga ahayn, ee ay Iran qaadeyso, iyo ka hortaga kuwo lagu soo qaado.
Dhawaan sida xoguhu tilmaamayan ciidamada ilaalada kacaanka ayaa samaysay gantaalada balaastikada ah ee “hypersonic”, sida Fattah-1 iyo Fattah-2, kuwaas oo xawaarahoodu uu aad u dheereeyo.
istiraatijiyadda cusub ee ciidamada ilaalada kacaanka islaamiga ee Iran, waxey noqotay mid hadal heyn ka abuurta guud ahaan caalamka, waxaana xusid mudan in cutubyada uu ka kooban yahay aanu unugna unuga kale howsha la wadaagin, waxa kaliyaha oo qorshuhu yahay in unug walba howsha loo xilsaaray uu ka soo dhaalaalo.
Haddaba Unugyada ciidamada ilaalada Kacaanka, uu ka kooban yahay waxaa laga xusi karaa Ciidamada Basij ee Iran- Ciidamadan waxa loo yaqaana ciidanka abaabulka ama xoogaga wadaniyiinta waxayna qeyb ka yihiin ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran, sida la rumeysan yahay Basij waxey ka kooban yihin tiro ahaan ilaa 90,000 oo askari oo isugu jira rag iyo dumar , kuwas oo awood u leh inay abaabulaan ilaa hal milyan oo mutadawiciin ah marka loo baahdo.
Shaqooyinka ugu muhimsan ee ay qabtaan xoogagan abaabulan ee Basij waxaa ka mid ah inay ka hortagaaan dhaqdhaqaaqyada ka dhanka ah maamulka ka jira gudaha Iran, sidii dhacday sanadkii 2009-kii markaas oo rabshado ka dhaceen gudaha dalkaas ka dib markii lagu dhawaaqay in Maxamuud Axmed Najad ku guulaystay doorashadiii dhacday, waana kuwo sidoo kale weerarado duulaanka iyo kuwa iska caabinta kala qeyb qaata ciidamada milatariga ee ilaalada kacaanka.
Sidoo kale waxaa jira unug la yiraahdo Qudus oo ka tirsan ilaalada kacaanka ——Qudus waa cudud ka tirsan ciidamada ilaalada kacaanka, waxaana ay fuliyaan howlgalo xasaasi ah oo dibadda ah, sida hub iyo tababaro ay siiyaan kooxaha ku dhow dhow Iran, sida Xisbullah Lubnaan iyo kooxaha Shiicada ah ee Ciraaq kadib duulaankii Mareykanka ee Ciraaq 2003-dii.
Ciidanka Quds waa laanta ugu caansan ilaalada kacaanka ee dibadda, Cidankan ayaa hub, lacag iyo tababaro siiya xulufadooda bariga dhexe oo ay ku jiraan xulufadooda jooga Ciraaq,Suuriya Lubnaan iyo xitaa yamen kuwasoo oo dhamaantood daacad u ah Iran, waxaana taas kuu bidhaaminaya in iminka ururadan qaarkood ay ka qeyb qaadanayaan duulaanka ay mareykanka iyo israa’iil ku qaadeen Xukuumadda Tehran.
Unuga Sirdoonka ilaalada kacaanka ayaa isna ah mid aan howshiisa baaxadda leh la dafiri karin Waxaana la aaminsan yahay in ilaalada kacaanku basaasiin gaara ku leeyihiin ama u joogaan safaaradaha Iran ee caalamka, iyadoo la sheegay in xubnahaasi ay fuliyaan hawlgallo sirdoon, iyagoo dalalkaasi shisheeye ka samaysta xeryo tababar, iyo goobo ay ku tashiiliyaan dhallinyarada.
Dhanka Dhaqaalaha: ilaaladu kacaanka waxay gacanta ku hayaan qaybo badan oo ka mid ah dhaqaalaha Iran, oo ay ku jiraan dhismaha, qeybta injineernimada, saliidda, gaaska, iyo isgaarsiinta, iyadoo ay hoostagto Xarunta Dhismaha ee Khatam al-Anbiya, oo ah taliska ciidamada midaysan ee Iran.
Geesta kale Saamayntooda Siyaasadeed ee: gudaha Iran Saraakiisha Ilaalada kacaanka waxay qabtaan jagooyinka ugu sarreeya dawladda, taas oo u oggolaanaysa ciidanka inay maamulaan siyaasadda arrimaha dibadda iyo inay caburiyaan mucaaradka gudaha.
Quwada ballaaran ee ay la soo ban baxeen wuxuu ku xambaarey Maraykanka in liiska argagixisada uu daro ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran sanadka 2019 taas oo ay ugu wacan tahay taageerada dheeraadka ah ee Ilaalada Kacaanku ay siiyaan kooxaha hubaysan ee islaamiga ah,, Sidoo kale Baarlamaanka Yurub ayaa soo saaray qaraar uu ku taageerayo in ciidamada ilaalada kacaanka Iran lagu tilmaamo koox argagixiso,, waxeyse waxaas oo dhan Iran ku tilmaanta rucbi iyo cabsi laga muujinayo awoodooda xad-dhaafka ah.
Si kastaba Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran, waxey noqdeen kuwa soo jiitay indhaha caalamka, marka la eego tayadooda, cududooda ciidan xeeladooda gaarka ah, iyo sida ay isku kala qeybiyeen,, waxaase quwadooda nuxurka usii yeelaya sida ay unkeen ururo islaami ah oo ay la noqdeen bah-wadaag,, si loo ciribtiro saameynta Mareykanka israil iyo xulafadooda isla markaana loo dar dar galiyo qorshaha jihaadka caalamiga ah, oo sida ay u aragto noqonaya mid lagu aflaxi doono, mirihiisuna ay guran doontaa dowladdaha islaamka ee mandiqada bariga dhexe iyo kuwa kale ee caalamka.

