Friday, September 12

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya waxey xilligan isu taagtay howl ay adkayd in lagu dhaqaaqo dhowr iyo tobankii sano ee ay hay’adaha dowladdu shaqeynayeen, waxeyna iminka diirada saartay tayeynta Waxbarashada dalka, oo horey aan kalsooni buuxda loogu qabin.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Faarax Sheekh Cabduqaadir oo hor boodaya dadaaladan, ayaa markii uu xafiiska la wareegay durba billaabay hirgalinta qorshayaal dhowr ah oo kaalin ka qaadanaya sidii waxbarashada Soomaaliya ay u noqon lahayd mid tayo sare leh, oo ay dunidu aqoonsan tahay.

Si qorshayaashaasi loo amba qaado, Wasaarada ayaa door weyn ka qaadatay hagaajinta manaajita waxbarasho ee dugsiyada dalka, si loo xaqiijiyo nuxurka daruusta ay ardaydu qaadanayaan, iyadoo sidoo kalana kaalin ka geysatay hubinta tayada macallimiinta wax bareysa ardayda dhigata iskuulada kala duwan ee ku yaalla gudaha dalka.

Is-baddelkan lagu daboolayo dal dalooladii sanadihii ugu danbeeyey habsaamiyey waxbarashada dalka, ayaa noqday mid ay soo dhaweeyaan dalka ehelka u ah waxbarashada, waxaanu is-badelku gaaray ilaa heer Jamaacadeed, iyadoo sida iminka muuqata halkii semster laga dhigay muddo 5 sanadood ah, halka markii hore uu ahaa 3 sano ilaa 4 sano.

Dadaaladan ayey Wasaarada Waxbarashadu sheegtay in ay uga gol leedahay, habkii sare loogu qaadi lahaa waxbarashada, isla markaana dalku uu u yeelan lahaa shahaadooyin waxbarasho oo la aqoonsan yahay, oo la la jaan qaada hannaanka waxbarasho ee dalalka dariska iyo kuwo horumaray.

Qorshahan ayaa iminka noqday mid mira dhalay, maddaama uu ka tallaabay caqabado aad u fara badan oo wasaarada ku hor-gudbanaa oo ay ugu horeysay tirada xarumaha waxbarashada dalka iyo heerarkooda tayo, kuwaa oo maanta la turxaan bixiyey, qiimeyna lagu sameeyey howlaha waxbarasho ee ay wadaan.

Ahmiyada koowaad ayey wasaaradu ka dhigtay in aan diirada la saarin dhaqaalaha xarumaha waxbarashada ay ka qaadayaan ardayda, taa baddelkeeda ardayga lagu hubeeyo tacliin tayo sare leh iyo shahaadooyin shaqeynaya oo uu la tagi karo dalalka caalamka.

Sidoo kale Baahida loo qabo tacliin tayo leh awgeed, waxey Wasaaradu Waxbarashada xil iska saartay sidii hannaanka waxbarasho loo gaarsiin lahaa dhamaan caruurta Soomaaliyeed, waxeyna sanadkii la soo dhaafay Wasaaradu qaadatay ilaa 3-kun oo macalimiin ah, kuwaas oo natiijo fiican ka keensaday imtixaan ay ka qeyb galeen 8-kun oo macallin.

Macallimiintii la xushay oo dhamaantood ah kuwo iminka u shaqeeya dowladda Soomaaliya, barrayaal-na ka ah iskuulo ay dowladdu maamusho, ayaa looga fadhiyaa barbaarinta iyo waxbarida caruur Soomaaliyeed oo kor u dhaafaya Boqol kun, kuwaas oo ay Wasaaradu gaarsiisay adeega waxbarasho.

Caruurtan oo ku kala nool 31 degmo oo ka kala tirsan Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Jubaland iyo Banaadir, ayaa noqday kuwii ugu horeeyey ee ka faa’iideystay adeega ay Wasaaradu ku baahineyso waxbarashada, isla markaana ku dhiseyso mustaqbalka ubadka Soomaaliyeed.

Wasaaraddu Waxbarashada ayaa cod dheer ku sheegtay in ay si buuxda uga go’an tahay dhaqangelinta qorshaha qeybta waxbarashada ee ESSP 2022-2026 kaas oo diiradda lagu saarayo in dalka oo dhan la gaarsiiyo waxbarasho loo siman yahay oo tayo sare leh, iyadoo aan wax dhaqaale ah laga qaadeynin ardayga.

Dhanka kale maalintii shalay ahayd waxaa caasimadda iyo maamuladda dalka qaarkood si rasmi ah uga billawday Imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare, kaas oo ay u fariisteen arday kor u dhaafeysa 37-kun, waxaana ardayda imtixaanka u fadhiisatay ka mid ah, kuwo ku sugan deegaano dhawaan laga xoreeyey Al Shabaab, iyo qaar kale oo ku sugan goobo sanadihii ugu danbeeyey ay ka arrimanayeen Somaliland.

In imtixaanka dowladda ay sanadkan qaadeyso la geeyo, magaalooyinka iyo degmooyinka kala ah: Laascaanood, Buuhoodle, Ceeldheer Afmadow iyo Ceel-waaq, ayaa direysa dhambaal hididiilo mudan, oo bidhaaminaya heerka ay mareyso dar dar galinta adeega waxbarashada dalka.

Wasaarada ayaa sheegtay in imitixaankan uu ka tayo sareeyo kuwii ay qaadi jirtay 10-kii sano ee la soo dhaafay, waxaana ardayda imtixaanka u fadhiisatay fursad kale u ah, in ay shahaadooyinkooda la tagi karaan jaamacado kala duwan oo caalamka, haba ugu soo horeeyaan dalalka dariska sida Kenya, oo dhawaan Madaxda Wasaaradu kala saxiixdeen heshiis arintaasi ku qotoma.

30-kii sano ee la soo dhaafay Soomaaliya ma lahayn hannaan waxbarasho oo lagu isku haleyn karo, taas oo hoos u dhigtay hankii ardayda iyo waalidiinta, hase ahaatee dadaaladan muuqda ayaa ka dhigan kuwo dhayaya boogihii in muddo ah ay jaalka la ahaayeen bahda waxbarashada iyo waalidiinta ubadkooda la jecel tacliinta, oo dhamidood maanta naawilaya waayo ka baddelan kuwii daashaday.

Exit mobile version