Bilawgii Toddobaadkan ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka furmay Kalfadhigii Lixaad ee labada aqal ee Barlamanka Soomaaliya, waxana Kalfadhigani uu ku soo aadayaa xilli khilaaf ba’an oo dhinaca ah doorashoyinka ah uu u dhaxeeyo dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland oo ay wehliyaan mucaaridka dowladda ka soo horjeeda.
Haddaba Kalfadhigan Lixaad maxey yihiin howlaha culus ee horyaalla Barlamanka Soomaaliya inuu wax ka qabto?
Waxaa su’aashaas hordhignay Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud oo ka tirsan Golaha Shacabka, kaas oo xusay in howlo badan ay horyaallaan Barlamanka oo ay ka mid yihiin dhameystirka Dastuurka, dib u eegista heshiisyadii ay gashay dowladda iyo isku soo dhaweynta dowladda dhexe iyo labada maamul ee maqan.
Sidoo kale Senator Naciimo Xasan Garweyne ayaa ka warbixisay howlaha Kalfadhigan horyaalla Barlamanka Soomaaliya waxaanay xustay in rajo badan laga qabo isu soo dhaweynta dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada ka aragtida duwan ee ay isku hayaan dhinaca doorashooyinka.
Qqoonyahanada qaar ayaa qaba in aanay dalka ka dhici karin doorasho dad weyne oo aan heshis lagu ahayn, sidaa awgeedna loo bahan yahay in Xildhibaanada labada aqal ay ka shaqeeyaan sidii dhinacyada is hayan la isugu soo dhaweyn lahaa sida uu tilmaamay Nuur Sheekh Cismaan Al Qudubi oo bartay siyaasada iyo xiriirka caalmiga.
Ururada bulshada rayidka ayaa talo ahaan ku soo jeedinaya in Barlamanka Soomaaliyeed uu Xukuumadda caddaadis ku saaro sidii dib u heshiin loola gali lahaa maamulada dowlada dhexe ka aragtida duwan, taasoo keeni karto in la qabto doorashooyin loo dhan yahay.
Ugu danbeyntii Ambasador Cabdiraxmaan nur maxamed Diinaari ayaa hoosta ka xariiqay in mudooyinkii ugu danbeeyey ay dowladdu gashay heshiisyo badan oo aan weli la horgeynin Barlamanka Soomaaliya, waxana uu Barlamanka ugu baaqay in ayxooga saaraan sidii heshiisyadaasi loo horkeeni lahaa Golaha Barlamanka.