Monday, September 15

(Hortabin Media) – Walaac aad u ballaaran ayaa waqtigan laga muujinayaa halka uu ku biyo shuban doono mustaqbalka maamulka Somaliland, oo ah mid gooni u goosad ah, muddo badana gucla orad ugu jiray ictiraaf caalami ah.

Xaaladaha amni darro ee ka dhashay siyaasadaha is diidan iyo khilaafka doorashooyinka ee ka jira deegaanada maamulka, ayaa iminka horseedaya shakiga laga muujinayo jiritaankiisa, waana arrimo sida muuqata adag in xal loo helo.

Maamulka waxaa u billawday waayo adag, oo kala erdheeyey dadkii iyo deegaanadii uu gacanta ku hayey, waxaana culeyskii ka haystay Gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood ugu biirtay caqabad kale, kadib markii dhawaan ciidamo ka goostay ay ku dhawaaqeen in ay yihiin jabhad ka soo horjeeda xukuumada tallada heysa, waxaanay jabhadan isku aruursadeen  Buurta Gacan libaax ee gobolka Saaxil.

Jabhadan oo Madaxweynaha xukunka haya ee Muuse Biixi ku eedeysay inuu dib u dhigayo doorashada maamulkaasi, ayaa billawday in ay weeraro ku soo qaado ciidamo Somaliland, waxaana weerarkii ugu danbeeyey ay sabtidii ku qaadeen ciidamo ka tirsan booliska Somaliland, iyagoo sheegay in ay ka dileen 25 askari, halka booliska Somaliland uu carabka ku dhuftay in weerarkaasi looga dilay 9 askari.

Waxaa sidoo kale isi soo taraya ciidamada ka goosanaya Somaliland ee ku biiraya jabhadan la magac baxday Dulmi-diidka’, taas oo dharbaaxo kale ku ah maamulka uu hoggaamiyo biixi.

Madaxda Xisbiyada mucaaridka maamulkaasi, ee Wadani iyo Ucid, ayaa madaxweyne Biixi dusha uga tuuray masuuliyada jabhadan ka dhalatay gudaha Somaliland, waxeyna sheegeen in ay ku timid tallaabooyinkii guracnaa ee arrimaha doorashooyinka ee uu qaaday.

Xisbiyadan ayaa sidoo kale todobaadkii aynu ka soo gudubnay iska diiday in ay ka qeyb galaan kulan uu isugu yeeray Muuse Biixe, waxeyna qaadaceen go’aankii guddiga doorashooyinka ee ay ku go’aamiyeen in lasoo hormariyo doorashada ururada, dibna loo dhigo tan madaxtooyada.

Somaliland oo ka hadashay jabhadan ayaa, iyana dhankeeda madaxda xisbiyada ku riixday in ay jabhadan abaabuleen, isla markaana ay iyagu siiyaan dhaqaalaha.

Xiisadan soo korortay ayaa marka si kale loo eego sababi karta dagaal beeleed ka aloosma gudaha Somaliland, maddaama jabhada buurta gacan libaax isku aruursatay ay ku heyb yihiin madaxda labada xisbi ee mucaaridka.

Is faham waaga dhanka doorashooyinka iyo khilaafka joogtada noqday ee ay dhalisay, ayaa soo koobaya rajada laga qabi karo in dib loo soo celiyo ciidamada goostay ee ku dhawaaqay jabhada, waxaana qubarada siyaasada gobolka la socda ay sheegayaan in maamulka uu cagta saaray dhabe aan qurux badneyn oo u horseedi karta bur bur.

Sida la xasuusan yahay Hore waxaa siyaasada xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi uga horyimid, dadka reer Laascaanood, kuwaas oo in aanay dooneyn ka mid ahaanshaha maamulka Somaliland, waxaanay ku dhaawaqeen maamul ka madax bannaan kan Somaliland, wallow xiisadii ka dhalatay diidmadooda ay weli ka taagan tahay duleedka Laascaanood gaar ahaan aagga Goojacade oo ay wax ka badan 6 bilood isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland iyo xoogaga SSC.

Si kastaba, Mugdi badan iyo dharaaro hubanti la’aaneyd ayaa waqtigan hareeyey xaaladda deganaansho ee Somaliland, oo wax ka badan 20 sano ku naalooneysay nabad iyo xasilooni, iyadoo wax saameyn ah mudadaasi dheer aysan ku yeelan dhibaatooyinkii ka taagnaa bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Nabad galyada ay ay dugsaneysay Somaliland iyo nidaamkii u muuqaalka ekaa dowladnimada ee ay yagleeleen, ayaa kal hore soo jiitay indhaha beesha caalamka, waxeyna dadaal dheer ilaa maanta ugu jiraan helitaanka aqoonsi caalami ah, balse xaaladaha adag ee ka soo cusboonaaday ayaa hoos u dhigaya filashada hamigaasi dadaalku ku lamaanaa iyo jiritaankooda maamulba.

Exit mobile version