Maxkamada Gobolka Banaadir, ayaa isniintii aynu ka soo gudubnay u fariisatay dhageysiga dacwada labaad ee kiiska la xiriira Luul Cabdicasiis, taas oo uu sayigeeda ku eeddeysan yahay inuu gubay.
Isniintii oo la soo gunaanaday dhageysiga dacwada kiiskan, ayaa waxaa Maxkamada ka soo hor muuqday marqaatiyaal ka agdhawaa guriga uu falku ka dhacay iyo eedeysane Sayid-Cali Macallin Daa’uud oo ah ninka ku eedeysan inuu gubay xaaskiisa.
Sayid-Cali oo maxkamada ka hor hadlay ayaa sheegay in dhacdadii ay ku gubatay xaaskiisa ay keentay muran salka ku haya hinaaso oo dhex maray labadoodu, wuxuuna xusay in si kas ah aanu u gubin ooridiisa, balse uu doonayey inuu dab qabadsiiyo alaabta guriga taalay ee uu milkiyada u lahaa.
Marqaatiyaal kala duwan ayaa iyaguna maxkamada ka soo hormuuqday, kuwaas oo u badnaa darawalo gadiidka BL-ka ah, oo xilligaasi ku sugnaa afaafka hore ee guriga uu falku ka dhacayey.
Mid ka mid ah Marqaatiyaasha oo lagu magacaabo Shamuureey, ayaa warbaahinta u sheegay in shaqadiisa oo ahayd darawalnimo looga ceyriyey marqaatiga uu noqday.
Arrintan ayaa cirka ku shareertay hadal heyntii la xiriirtay kiiskan, oo mudooyinkiin ugu danbeeyey si aad ah loogu falanqeynayey Baraha Bulshada ee ay Soomaalidu ku xiriirto.
Qaar ka mid ah Bulshada ayaa dhaqaalle u aruuriyey ninkan sheegay in shaqadiisa looga ceyriyey marqaatiga uu ka noqday wixii uu kala socday dhacdadii dabka ahayd ee Luul ku geeriyootay.
Maxkamada Gobolka Banaadir ayey hortaal xujo adag, waxaana laga dhursugayaa xilliga ay mudeyneyso xukunka kiiskan iyo go’aan ay ka gaari doonto, iyadoo ay xusid mudan tahay in aan weli la aasin Marxuum Luul Cabdicasiis.
Ehelada eedeysanaha ayaa sidoo kale muujinaya cabasho aad u ballaaran, waxeyna ku doodayaan in loo diiday in ay gudaha u galaan Maxkamada gobolka Banaadir, oo ah halka ay dacwada ka socoto.
Ehelada ayaa sidoo kale eedda kale u jeedinaya bulshada, iyagoo sheegaya in kiiskan si aad ah loo buun buuninayo, taas oo ay ku tilmaameen in ay saameyn ku yeelan karto go’aanka caddaaladeed ee ay maxkamaddu ku dhawaaqeyso.
Si Kastaba Luul Cabdicasiis ayaa ahayd Hooyo korsaneysay lix caruur ah oo agoon ah, waxaana sidoo kale ay colaasha ku siday ilmo kale oo ay uurka ugu waday Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ah ninka ku eedeysan inuu gubay.