Friday, September 12

Samiira Ducaalle oo iyadu maqalka la’ waa Macallimad dhawaan Muqdisho ka aas-aastay xarun si bilaash ah wax loogu baro dadka maqalka la’, oo maanta ay dhigtaan arday aad u fara badan oo isugu jira wiilal iyo gabdho, kuwaas oo ay u dhigto buug ay iyado qortay oo ku fahmayan luuqada suuldhabaalaha

Samiira waxay ku noolayd UK muddo badan, halkaasi oo ay ku soo baratay sida dadka maqalka la’ wax loo baro. Samiira Ducaale, waxay Hortabin Media u sheegtay in oggaatay in tacliinta ay soo baratay looga baahan yahay gudaha Somalia, si ay uga faaideystaan dhalinyarada maqalka la’a ee aan helin fursadii waxbarasho ee ay heshay oo kale.

Fartuun Cumar, waxa ay ka mid tahay ardayda wax ka barata iskuulka dadka maqalka la’, ee Samiira ay hirgalisay, kaas oo ay ku soo biirtay sanadii 2020-kii, waxayna rajeynaysaa inay heer jaamacadeed waxbarashada ka gaarto.

Waalidiinta ay ubadkoodu dhigtaan iskuulkan ayaa dareemaya in caruurtooda uu isbaddel ku yimid marka ay noqoto dhanka fahamka bulshada ah iyo tacliintooda oo kordheysa, sida ay xustay Jamiila.

Samiira Ducaale, ka hor intii aanay dibedda u bixin, maysan aqoon luqada suuldhabaallaha ee sign language, taasi waxay keentay inay bulshada ka takooranto. Binti Abuukar, waa Samiira hooyadeed, waxay Hortabin Media u sheegtay sida uu ahaa hayaanka nololeed ee Samiira Ducaale.

” Samiira Markii hore dhibaato badan ayaan kala kulmay ma aysan aqoon Sing language, waxaan dareemi jiray markaan sheekeysaneyno aniga iyo caruurta la dhalatay in ay shakiso oo qosolkeena ay u fahanto in aan iyada ka hadleyno, taas oo cuqdad ku noqotay, waxeyna sameyn jirtay in ay qol isku soo xirto si ay inooga fogaato, markii danbe waan ku dadaalay iskuul ayaan geeyey, waxey ku halkaas ku yeelatay saaxiibo badan oo iyada baahideeda qaba, ilaa markii danbe ay ku dhiiratay in ay caawiso dadka ay isku baahiyaha yihiin ee Soomaaliya jooga, kuwaas oo aan helin fursadii ay iyadu heshay”

Inkastoo Samiira ay u istaagtay hirgalinta Iskuulkan, haddana waxaa jira caqabado ballaaran oo ku hor gudban, kuwaas oo ay dalbaneyso in laga caawiyo.


” Waxaan u baahanahay in nagala caawiyo, Iskuulka oo aad inoogu yar, Uniform la’aan heysa ardaya iyo Gaadiid Xaafadahooda geeya oo aanan jirin, maaddaama ay ka imaadaan xaafado fog fog, dhaqaalana aysan heysan, waxaan kale oo aan rabnaa Macalimiin”.

Dadka maqalka naafada ka ah ayaa lagu tilmaamaa in ay yihiin kuwa dhibaato badan kala kulma is-dhexgalka bulshada, maaddaama ay isku darsadeen iyagoo aan hadli karin, iyo in intada badan dadka ku hareeraysan oo aanay is-fahmi Karin, sababo la xiriira in aanay jirin sign language ama luadda suuldhabaallaha oo ay isku fahmaan. Ma jirto hay’ado dowladdeed ama kuwo gaar loo leeyahay oo u dhaq dhaqaaqa sidii ay ku heli lahaayeen xuquuqaha ka maqan, oo ay waxbarashdu qeybta ka tahay, laakiin iskuulkan ay Samiira Ducaale hirgalisay waxaa la odhan karaa waa bilow fiican oo wax ka baddali nolosha qaar badan oo ka mid ah dadka maqalka la’.

Exit mobile version