Thursday, September 11

Saacado kooban kadib, waxaa dalka Mareykanka looga dareerayaa doorashada kursiga Madaxweynaha iyo qaar ka mid ah kuraasta sharci-dejinta wadankaasi oo 4-tii sanaba mar laga qabto.

Doorashada sanadkan oo dhinacyo badan uga duwan doorashooyinkii hore ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwi ugu muhiimsanaa ee soo mara taariikhda Mareykanka, waxaana ku baratamaya madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ee xilligan Kamala Harris, oo dimoqraadi ah iyo madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump oo Jamhuuri ah.

Marka la eego ra’yi ururinta dadweynaha Mareykanka, ee baratanka labadan murashax ee Madaxweynaha Mareykanka ayaa ah mid aad la isugu dhow yahay, sidaas oo ay tahayna kooxahooda doorashada waxay ku baraarugsan yihiin dagaal dhinaca sharciga ah oo ka dhalan kara natiijada doorashada.

Donald Trump ayaa kal hore ka dhawaajiyey inuu natiijada ku qanci doono, haddiii doorashadu ay u dhacdo qaab Caddaalada ah oo daah-furan, balse waa mid durba muujinaya walaac dhanka daah-furnaanta doorashada.

Si kastaba saraakiisha doorashada ayaa kalsooni ballaaran ku qaba in doorashada ah u dhaceyso qaab caddaalada amni iyo daah-furnaan ay ku dheehan tahay.

Haddaba Sidee lagu xaliyaa muranka natiijada doorashada?

Musharixiinta waxay heystaan waqti xaddidan, caadi ahaan maalmo ama toddobaadyo ka dib doorashada, si ay u diidaan ama uga hor yimaadaan natiijada.

Murankaa waxaa lagu xaliyaa hanaanka sharci ee heer degmo, gobol, heer federaal, iyo Maxkamadda Sare ee Mareykanka.

Exit mobile version