Saturday, September 13

Madaxda Dalalka Uganda & Kenya ayaa wada dedaal xooggan oo ay ku doonayaan in ay ku dhexdhexaadiyaan Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo xiriirkoodu xumaaday isla markaana gaaray heerkii ugu hooseeyay, waxaa intaas usii dheereed hadallada adag ay is dhaafsadeen.

Itoobiya ayaa billowgii sanadkaan dhammaadka ah waxa ay sheegtay in Maamulka Somaliland ee Gobollada Waqooyi Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la gashay heshiis ka hor imaanaya madaxbannaanida, wadajirka iyo xeerarka kale ee Caalamiga ah.

Soomaaliya ayaa tallaabadaas uga jawaabtay in ay hoos u dhigto cilaaqaadkii kala dhaxeeyay Itoobiya, waxaa intaas dheer in khilaafkooda uu gaaray heer Xukuumadda Muqdisho ay dhiggeeda Addis Ababa ka saarto Dalalka xubnaha ka noqonaya howlgalka AUSSOM.

Haddaba dadka siyaasada gobolka la socodka ayaa aaminsan in Kenya iyo Uganda aanay wax badan ku soo kordhin karin arrintan, sababo la xiriira heerka ay kala joogaan labada dal oo ah mid aad u kala fog.

Qubarada ayaa sidoo kale tusaalle usoo qaadanaya dowladda Turkiga oo iyaduna isku deyday xalinta khilaafkan, balse weli aan ka hoyin wax natiijo ah oo la taaban karo.

Madaxda dalalkan geeska ayaa isku dayaya in ay isku keenaan labada masuul ee Soomaaliya iyo Itoobiya, Balse dowladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in wax wada hadal ah aysan la furi doonin Itoobiya ilaa ay ka laabato go’aankii ama heshiiskii ay la gashay Somaliland.

Dhinaca kale Turkiga ayaa saddex jeer qaaday tallaabooyin uu ku dhexdhexaadinayo labadaan Dal balse wax natiijo ah kama gaarin, labadii wareeg ee ugu horreeyay wadahadallada oo ahaa mid aan si toos ah u qabsoomin waxaa laga gudbi waayay shuruudaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wareeggii 3aad ee wadahadalka Turkiga wuu baaqday kolkii shuruuduhu cuslaadaan iyada oo Addis Ababa ay qaadday tallaabooyin cusub oo xaaladda ka dhigay mid sii cakirtay, Turkiga oo aan is dhiibin ayaa wadahadalkaas si kale u dhigay oo si dadban dhinacyadaan ula hadlay, wallow weli ay hakad ku jiraan wada hadaladii uu daadihinayey Turkiga.

Exit mobile version