Sunday, April 5

Cabsida Mareykanka, Israa’iil iyo xulafadooda ay ka qaadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee shahed ee Iran, wuxuu qasbay inay qeylo dhaan u dirsadaan Ukarine, kuwaas oo maanta looga baahan yahay garab istaag ku aadan diyaarahadeeda aan duuliyaha lahayn, in ay qeyb ka noqdaan dagaalka ka socda bariga dhexe.

Diyaaradaha Shahed ayaa baday xulafada duulaanka ku ah tehran, wal wal iyo walaac ay ladi waayeen, waxana mudada uu dagaalku socdo bidhaamaya awoodda diyaaradahaasi, kuwaas oo bur bur xoogan ka geystay gudaha israa’iil iyo saldhigyada mareykanka uu ku leeyahay bariga dhexe.

Sida muuqata Caddaadiska ay shahed saartay mareykanka iyo xulafadiisa waaa tan keentay in loo gacan haatiyo diyaaradaha Ukrine si ay u xakameeyaan weerarada iran

Haddaba saameyn ceynkee ah ayey leeyihin diyaaradaha aan duuliyaha lahyn ee Ukarine, mise ka hortagi karaan weerarada Iran?

Hadeynu eegno ka dib duulaankii buuxay ee Ruushku 2022-kii ku soo qaaday Ukarine, Kyv halkaasi waxey ka dhaxashay cashir, waxeyna sare u qaaday hanaankeeda wax soo saarka oo ay ku saleysay tiknoolajiyada casriga ah, maddaama ay heli weysay nidaam difaac oo awood leh.

Sida xoguhu sheegayaan Ukrspecsystems, oo lagu tilmaamo inay tahay shirkadda ugu weyn ee soo saarta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine, waxey sanadihii ugu danbeeyey i soo saartay sideed nooc oo drones ah, waxana xusid mudan in Dabayaaqadii 2025, oo qura ay Ukraine heshay 3 milyan oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah, taas oo u muuqata guul milatari oo baaxad leh.—-Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukarine oo ah kuwa qiimo jaban, waxa ay isugu jiraan, kuwa weeraro fuliya, qaar sahmiya, iyo kuwo ka hortaga weerarada, waxana diyaaradahaasi laga magacaabi karaa Sting, bullet Octopus , iyo kuwo kale, diyaaradahan qaarkood waa kuwo aad u dheereeya , waxeyna ku socdaan xawaare dhan 315 ilaa 343 kiiloomitir saacaddii, iyagoo kolka sahanka la sameeyo kadib ay garaaca bartilmaameedyada yoolkooda, hase ahaatee waxaa jira qeyb droneska Ukrine ka mid ah oo ka hortagta weerarada diyaaradaha Shahed, taas oo sababtay in xiligan garab looga baahdo kyv.

Haddaba In maanta mareykanka uu ciirsi bido ukrine, ma ahan arrin fudud, waxaase sida qubaradu sheegayaan soo de dejiyey khibrada dagaal ee ay u leedahay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shaheed ee ay Iran samaysay, oo ah kuwa uu ruushka u isticmaalayo xiligan dagaalka ka dhanka ah Ukriane.

culeyka kale ayaa ah in Waqtigan xaadirkan, uu Maraykanku isticmaalayo hababka difaaca hawada sida Patriot missiles, Terminal High Altitude Area Defence ee lo so gabiyo (THAAD) iyo sidoo kale baytariyada Digniinta Hawada iyo Nidaamydaa Xakamaynta si ay u qabtaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran iyo gantaalada lagu beegsanayo hantidooda milatari ee gobolka, hase ahaatee nidaamyada noocan ah ayaa ah kuwa qaali ah, waxana ka hortaga gantaal kasta uu ku kacaya malaayiin dollar, taas oo mareykanka ku abuurtay cabsi la xiriirta hoos u dhac ku yimaada saadka is-hortaagga Mareykanka ee gantaalada.

Arrimaha kala duwan ayaa sababay in 11 wadan, oo ay ku jiraan Mareykanka, Khaliijka iyo wadamada Yurub, ay codsadeen caawinta Kyiv, hase ahaatee marka loo eego Ukriane, waa kuwa diyaaradaheeda iyo tiknoolajiyada ay hormarisay ku doonaya in ay dhaqaalle ku helaan, baddelkii ay ku bixin lahaayeen kaalmo, waxeyna sharuud ku xirtay caawinta wadamada khaliijka oo waqtigan walaac ka muujinaya diyaaradaha shahed ee iran.

Todobaadkan Madaxweyne Zelenskyy ayaa xaqiijiyay in koox ka socota Ukraine ay Jimcihii u ambabaxeen dalka Urdun, halkaasi oo milatariga Maraykanku uu ku leeyahay Saldhigg Cirka ah.Tallaabadan ayaa daba socotay codsi Khamiistii ka yimid Mareykanka, iyadoo Washington ay raadineyso tignoolajiyad jaban si ay uga hortagto gantaallada Iran ee lagu bartilmaameedsanayo hantida difaaca Israel iyo Mareykanka iyo sidoo kale kaabayaasha kale ee guud ahaan Qatar, Kuwait, Bahrain, Saudi Arabia iyo emeraatka.

Sida falanqeeyayaashu sheegayaan, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ukraine waa kuwo ka hortagi kara oo qura qaar ka mid ah weerarada kala duwan ay fulinayaan diyaaradaha Shahed, balse sida lo ogyahay awood uma lahan ka hortaga gantaalada balaastikada ah ee iran, taas oo dadaalka mareykanka, isra’iil iyo xulafadooda ka dhigeysa mid fashilmaya.

Sidoo kale xirfada weerar ee Iran oo ah mid aad u sareysa ayaa saamixi karta in ay adeegsato xeeldheeri kale oo diyaaradaha aan duuliyaha lahaydn ee ukrine u diideysa in ay hor-istaagaan weerada ay fulinayaan diyaaradaha shehed ee iran.

Iran oo qorshahan la socoto ayaa durba u muuqata mid ka gaashaamaneysa, inkastoo aysan soo bandhigin, haddana tehran waa mid leh istaraatiyada dagaal oo qaroodi ah oo mar walba dhantaasho cadowgeeda, sidoo kalana caan ku ah cuuryaaminta nidaamyadoda difaaca.

Si kastaba, inkastoo Ukriane uu gadaal ka riixayo Mareykanka kuna qasbayo in dagaalkan ay qeyb ka noqdaan, haddana keenida diyaaradahooda ee bariga dhexe, ayaa sababi karta in ay u nuglaadaan weerarada kaga imaanaya Ruushka, waxaana moscow ay fursadaasi u noqon kartaa mid ay ku baabi’sio kyv, maddaama ukraine aysan heysan nidaam kale oo difaac, koodina mareykanka usoo rarayo bariga dhexe.

Exit mobile version