Thursday, September 11

Hogaamiyayaasha Shiinaha iyo Hindiya ayaa sheegay in hadda ay sii xoogaysanayso is-aaminaad ka dhex jirta ka dib sannado badan oo xiisad ah oo ay ku jirto muran xuduudeed oo muddo soo jiitamayay.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa yeeshay kulan duceed gaara kaas oo ka dhacay magaalada dekedda leh ee Tianjin halkaas oo uu ka dhacayo shirka ururka Iskaashiga Shanghai. Waa markii ugu horreysay ee Modi uu Shiinaha tago muddo toddobo sano ah.

Xi ayaa u sheegay Modi in Shiinaha iyo Hindiya ay tahay inay noqdaan wada-hawlgalayaal, ee aysan noqon tartameyaal, halka Modi uu sheegay in hadda uu jiro “jawwi nabadeed iyo xasillooni” oo u dhexeeya labada dal.

Madaxweyne Putin ayaa sidoo kale ku sugan shirkan, oo ay ka soo qayb galayaan in ka badan 20 hogaamiye oo caalamka ah, balse sanadkan waxaa hareeray dagaaladii ganacsiga ee Maraykanka.

Madaxweyne Trump ayaa canshuuro culus ku soo rogay badeecadaha Hindiya, si loogu ciqaabo Delhi oo weli sii iibsanaysa saliidda Ruushka, Putin ayaa wajahaya hanjabaado cunaqabateyn ah oo ku aaddan dagaalka socda ee Ukraine.

Xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo Hindiya ayaa wajahaya caqabado sii kordhaya, waxaana muuqata in Modi uu si tartiib tartiib ah ugu sii dhowaanayo Xi Jinping. Labadan dal ma ahan oo kaliya kuwa ugu dadka badan caalamka, balse sidoo kale waa kuwo leh laba ka mid ah dhaqaalaha ugu weyn dunida.

Modi wuxuu ku dhawaaqay in duulimaadyadii u dhexeeyay Hindiya iyo Shiinaha la bilaabi doono mar kale inkastoo uusan cayimin waqti rasmi ah, duulimaadyada ayaa hakad galay ka dib dagaal khasaare badan dhaliyey oo k adhacay xadka labada dal sanadkii 202-kii.

Hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping ayaa yiri:”Labada dhinacba waa inay xiriirkooda u eegaan si istiraatiiji ah oo fog aragti leh,” isagoo intaa ku daray:

“Saaxiibtinimo waa doorashada saxda ah ee labada dhinac.”

Shir madaxeedka SCO laftiisa ayaa inta badan ah mid astaan ahaan ah laakiin wuxuu siinayaa fursad hoggaamiyeyaasha si ay u muujiyaan cabashooyinka ay wadaagaan iyo danaha ay ka siman yihiin. Wuxuu ku soo beegmayaa maalmo uun kahor dabaaldeg ballaaran oo milatari oo ka dhici doona magaalada Beijing, taasoo lagu xusayo 80 sano guuradii ka soo wareegtay dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Waxaa xubno ka ah ururkan 10 dal, oo ay ku jiraan Ruushka, Pakistan, iyo Iran, halka ay sidoo kale jiraan 16 waddan oo ah la-hawlgalayaal iyo goobjoogayaal.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, oo ah xulafo dhow la ah Shiinaha, ayaa shalay si heer sare ah loogu soo dhoweeyay magaalada Tianjin, iyadoo loo dhigay roog cas.

Ururka waxaa asaasay Shiinaha, Ruushka iyo afar waddan oo ku yaalla bartamaha Aasiya sannadkii 2001-kii si looga hortago saameynta xulafada reer galbeedka sida Nato.

Shirka sanadkan waa kii ugu weynaa tan iyo markii la aasaasay ururka, magaalada martigelinaysa ee Taianjin oo ah magaalo dekad leh ayaa lagu arkayaa boorar iyo calaamo shirka ah. Habeenkii, kumannaan dad ah ayaa isugu soo baxaya hareeraha webiga, si ay u daawadaan bandhig iftiin ah oo lagu sameeyo dhismayaasha dhaadheer inta uu shirku socdo.

Waddooyinka ayaa ah kuwo saxmad ah dadka lugaynaha ayeyna dhib ku noqotaa socodka gaar ahaana buundada taariikhiga ah ee Jiefang. Dadka lugaynaya ayaa la joojiyaa marka ay wadooyinka marayaan kolonyada gawaarida ee sicda madaxda caalamka.

Exit mobile version