Saturday, September 13

Waxaa gudaha deegaanada ay ku sugan yihiin Ciidamada Itoobiya ee gudaha Soomaaliya laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo culus oo ay halkaasi ka wadaan ciidamadaasi, kuwaas oo ku soo beegmaya waqti xasaasi ah.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gedo ayaa la wareegay inta badan Garoomada Diyaaradaha ee deegaanada gobolkaasi, waxaana arrintaasi ay dadka deegaanka ku dhalisay cabsi xooggan.

Sida ay dadka goobahaasi ku sugan warbaahinta u xaqiijiyeen Ciidamada Itoobiya ayaa si rasmi ah ula wareegay gacan ku heynta Garoomada degmooyinka Luuq, Doolow, iyo Baardheere, taas oo abuureysa walaac hor leh.

Qubarada Amniga ku xeeldheer ayaa arrintan ku sifeynaya in Itoobiya ay kalsooni ka heysato Maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubaland, kuwaas oo si cad uga horyimid qorshaha ay dowladda Soomaaliya dalkeeda uga saareyso ciidamada Itoobiya.

Is- ballaarinta iyo dhaq-dhaqaaqyada ay sameynayaan Ciidamada Itoobiya ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in ay Ciidamada Itoobiya ka saarto howlgalka cusub ee Soomaaliya ka billaabanaya bisha Janaayo ee sanadka soo socda.

Dowladda ayaa qorsheysay in Itoobiya booskeeda ama meelaha ay Soomaaliya ka joogto ay ku wareejiso ciidamo ka socda dalka Masar oo sida la ogyahay ay xiisad ba’ani kala dhexeyso Itoobiya, taas oo wal wal badan ku abuurtay Itoobiya.

Itoobiya ayaa wada is-muujin iyo abaabul hor leh, tan iyo markii uu hirgalay heshiiska Milatari ee ay wada gaareen Soomaaliya iyo Masar, kaas oo saamaxaya in ay Soomaaliya yimaadaan 10-kun oo ciidamo Masaari ah.

Exit mobile version