Soomaaliya bishii July ayey oggolaatay in dalka dib loo keeno qaadka Miirowga, kaas oo khilaaf jira awgiis ay 2020-kii u hakisay dowladii uu Madaxweynaha ka ahaa Farmaajo.
Xasan Sheekh oo dib usoo celiyey xiriirka kenya ayaa oggolaaday in ganacsagii jaadka uu soo laabto, kaas oo kenya faa’iido badan ay ku qabtay.
Waqtigan ganacsatada jaadka Miirowga kenya, oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyey dhaqaalihii usoo xarooday 3-dii bil ee ugu horreysay markuu July billawday jaadkii ay geyn jireen.
Bilihii July, August iyo September, oo qura kenya waxa ay heshay lacag dhan 4-bilyan oo kenya shiling ah, taas oo u dhiganta in ka badan 28 milyan oo dollar.
Madaxa Miraa Pyrethrum iyo dalagyada kale ee warshadaha Felix Mutwiri ayaa sheegay in Kenya ilaa hadda ay dhoofisay 1.4 milyan oo kiilogaram oo Miiraa ah kadib markii labada dal ay xalliyeen khilaafkii hore u jiray.
Waqtigan wuxuu ku dhiira galinayaa ganacsatada Miiraa ee dalka Kenya, in ay isku duubnaadaan, isagoo mustaqbalka rajeynaya in ay Soomaaliya ka helaan dhaqaalle intaasi ka ballaaran.
Soomaaliya wax badan kama faa’iido ganacsiga jaadka, marka laga reebo canshuurta dowladda usoo xaroota, mana jirto wax muhiim ah oo ay Kenya u dhoofiso, taas oo ka dhigeysa in Kenya ay ku bulaashay soo celinta xiriirka Soomaaliya.
Bulshada Soomaalida oo mudd aad u dheer isticmaaleysay jaadka, ayaa marka laga soo tago dhaqaalaha uga baxo, waxa ay sidoo kale ka dhaxleen dhibaatooyin kala duwan, oo ay ka mid yihiin caafimaad darro, waxaana jaadka loo aaneyaa masuuliyada bur burka qoysas Soomaaliyeed iyo dayac ubadeed.