Monday, February 2

Bartamihii April 2025, ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isaga baxay Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Degmadan ayaa ahayd mid istaraatiiji ah oo muhiim u ahayd howlgallada ka socda Hir-Shabeelle iyo Galmudug, waxayna gacanta Dowladda ku jirtay tan iyo December 2022.

Bartamihii 2025, Muqdisho iyo qaar kamid ah gobollada dalka waxaa ka billowday diiwaangelinta dadka ka qaybgalaya doorashooyinka dadweynaha ee dowladaha hoose, halka bisha December ay si rasmi ah u billowdeen ololayaasha ururrada siyaasadeed.

Intii lagu guda jiray 2025, koox hubeysan ayaa aano qabiil darted Gobolka Galgaduud ee Dowlad-Goboleedka Galmudug ku dishay hooyo iyo gabdhaheeda. Kiiskan ayaa si weyn u saameeyay bulshada, ugu dambeyntiina waxa uu kusoo dhammaaday maxkamad xukun ku ridday raggii lagu eedeeyay falkaas.

Deegaannada Dowlad-Goboleedka Puntland, waxaa ka billowday howlgallo ka dhan ah kooxda Daacish, kuwaas oo Puntland ku qabsatay deegaanno katirsan dhulka buuraha ee Gobolka Bari. Dhanka kale, Gobolka Sanaag waxaa ka billowday abaabul militari, inkasta oo aan si toos ah loogu dhaqaaqin.

19 June, Puntland ayaa qabatay Markab siday saanad ciidan oo ka yimid Turkiga, kaasi oo ay sheegatay Dowladda Federaalka lana sii daayay.

Dhismaha Maamulka Waqooyi-Bari, 23kii Agoosto 2025 waxaa la doortay Guddoonka Baarlamaanka kaddib maalmo ay qaadatay xulista xildhibaannada, halka 30kii bishaas la doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka maamulkaas.

1 September, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hirgelisay adeegga E-VISA, kaas oo wax ka beddelay nidaamkii hore ee dal-ku-galka, iyadoo qofka markii hore fiisaha ku qaadan jiray garoonka diyaaradaha, balse hadda uu kahor safarkiisa soo codsanayo.

24kii September 2025, xubno katirsan mucaaradka Dowladda oo tagay Saldhigga Booliiska Degmada Warta-nabadda ayaa israsaasayn kula galay afaafka hore ee saldhiggaas ciidamada Dowladda, iyadoo labada dhinac ay isku tuureen cidda bilowday rasaasta.

Isla sannadkaas, xubno katirsan Al-Shabaab oo xirtay labiska Ciidanka NISA isla markaana watay gaari noociisu yahay Cabdi Bile oo lagu buufiyay summadda hay’adda ayaa weerar ku qaaday Godka Jilacow ee Degmada Boondheere. Weerarkaas ayaa socday saacado, waxaana uu noqday mid kamid ah weerarradii ugu halista badnaa ee ka dhacay Muqdisho.

5tii October 2025, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tagay Magaalada Kismaayo, halkaas oo uu kulammo la yeeshay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe. Kulammadaasi kama soo bixin natiijo la taaban karo.

Dhammaadkii October 2025, warbixin ayaa muujisay in tahriibka uu kordhay, iyadoo lagu sheegay in ku dhowaad 5 kun oo Soomaali ah ay tahriib ku galeen Yurub intii u dhaxaysay Janaayo ilaa Agoosto. Waxaa sidoo kale jiray shilal sababay dhimashada muwaadiniin Soomaaliyeed, halka qaar badbaaday dalka dib loogu soo celiyay.

Bishii November 2025, dhacdooyin naxdin leh oo la xiriira aano qabiil ayaa ka dhacay deegaannada Yaaqbari Weyne, kuwaas oo isugu jiray dilal, gubid hantiyeed iyo beegsiga ceelal biyood. Kiiskan ayaa kamid noqday dhacdooyinkii ugu saamaynta badnaa ee sanadka.

4tii December 2025, Magaalada Boorama waxaa ka dhacay dibadbax rabshado watay oo salka ku hayay buuq ka dhashay buugga Xeer Ciise. Rabshadahaasi waxay sababeen dhimashada tobanneeyo qof iyo dhaawaca ku dhow 100 kale, iyadoo ugu dambeyn Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ay joojisay bandhigga buugga.

25kii December 2025, Muqdisho waxaa ka qabsoontay doorasho qof iyo cod ah, tii ugu horreysay ee noocaas ah muddo 55 sano ah, taas oo noqotay dhacdo taariikhi ah oo astaan u noqotay isbeddel siyaasadeed.

26kii December 2025, Israel ayaa ku dhawaaqday inay aqoonsatay Somaliland. Tallaabadaas ayaa si adag u cambaareeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed iyo dalal badan oo caalamka ah, waxayna noqotay dhacdadii ugu muranka badnayd dhammaadka sanadka.

Exit mobile version