Waqtigan waxaa xoogeysanaya dagaalka sanadihii ugu danbeeyey soo jiitamayey ee u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine, waxaana saacadihii la soo dhaafay uu ruushku qaaday weeraro gantaalo ah, halka Ukraine-na ay ka jawaabtay.
Gantaalka Ruushka ayaa burburiyay guryo iyo dhismayaal rayid ay degganaayeen oo ku yaalla magaalada koonfurta Ukraine ku taalla ee maykalif, sida ay sheegeen saraakiisha maxalliga ah.
Inta la ogyahay Ugu yaraan saddex qof oo rayid ah ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhaawacmeen magaalada u dhow Badda Madow, oo marar badan ay duqeeyeen ciidamada Ruushka.
Waaxda Gurmadka Degdegga ah ee Ukraine ayaa soo bandhigtay sawirrada dab-damiskii goobta ku sugnaa kaddib markii uu gantaalku ku dhacay halkaasi.
Gelinkii hore ee Axadda shalay ahayd dab weyn oo kayd shidaal ka billowday ayaa ka kacay meel u dhow goobta loo tamashlaha tago ee Badda Madow ee Ruushka ee Sochi – taa oo ay mas’uuliyiinta Ruushku ku eedeeyeen weerar ay qaadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine.
Sida wararku sheegayaa Gegida diyaaradaha ee Sochi ee isla aagga – degmada Adler , waxaa la joojiyey dhamaan duulimaadyadii, iyadoo qaraxyada ka dhashay weerarkan lagu sheegay mid ka mid ah weerarradii ugu xoogganaa ee meel ka fog xadka ay ka geysato Ukraine.
Barasaabka gobolkaasi ninka lagu magacaabo Krasnodar ayaa ku sheegay bartiisa Telegram-ka in haraaga diyaarada ay ku dhaceen haan shidaal, waxaana dabkan damiintiisa la tacaalay ilaa 127 dabdamis.
Sidoo kale Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu amar ku bixiyay in laba markab oo ah kuwa xambaara Nukliyeer ah “la dhigo gobollada ku habboon” isaga oo ka jawaabaya hadallada “daandaansiga aadka u weyn” ee madaxweynihii hore ee Ruushka Dmitry Medvedev.
Trump ayaa xusay inuu ka jawaabayo weedhaha ku qotoma qabka iyo kuwa xanafta leh ee ruushka ka soo yeeraya .—Hadallada waa kuwo aad muhiim u ah, waxayna inta badan keeni karaan cawaaqib aan loo baahnayn, waxaan rajeynayaa in tani aysan noqon mid ka mid ah xaaladahaas” ayuu intaa raaciyay.
Trump Ma uusan sheegin halka la geeynayo labada markab, iyadoo la ilaalinayo nidaamka ciidamada Mareykanka.
Madaxweynihii hore ee Ruushka Medvedev ayaa dhawaan u hanjabtay Mareykanka isagoo ka jawaabaya go’aankii Trump ee Moscow ee ahaa in ruushku ogolaado xabbad joojin laga sameeyo Ukraine, haddii kale xukuumadda moscow ay wajihi doonaan cunaqabatayn adag.
Ruushka iyo Mareykanka ayaa heysta hubka Nukliyeerka ah ee ugu badan adduunka, waxaana labada dal ay heystaan maraakiib Nukliyeer xambaarsan.taas oo xaaladda sii cakiri karta.
Kremlin-ka ayaan ilaa hadda wax hadal ah ka soo saarin arrintan, balse suuqa saamiyada Moscow ayaa aad hoos ugu dhacay ka dib hadalka Trump.
Trump iyo Medvedev ayaa muddooyinkan dambe ku lug lahaa weeraro shaqsiyadeed oo ka dhan ah midba midka kale oo barraha bulshada ay isu marinayeen.
hadaladan ka hor , Trump wuxuu qabtay “10 ama 12” maalmood oo kama dambays ah. Horaantii bishii July wuxuuna ugu hanjabay Ruushka canshuuro ba’an oo lagu beegsanayo Shidaalka iyo waxyaabaha kale ee la dhoofiyo haddii Putin uusan ku soo afjarin dagaalka uu kula jiro ukriane 50 maalmood gudahood.
Medvedev – oo ahaa madaxweynaha Ruushka intii u dhaxaysay 2008 ilaa 2012 – ayaa si adag ula hadlay Trump wuxuu ka digay hanjabaad”gacan dhimasho keeni karta” – taas oo cabsi hor leh abuurtay inkasto trump uu u soo jeediyey in uu weedhahaasi ka fiirsado.
Wakaaladda wararka ee Ruushka ee TASS ayaa ku tilmaamtay gacanta dhimashada inay tahay nidaam ka hortagta nukliyeerka kaas oo bixiya weerarro aargoosi oo baaxad leh oo nukliyeer ah haddii uu dhacdo weerar ka dhan ah ruushka.
Medvedev waxa uu taageersan yahay duulaanka buuxa ee Ruushka uu ku qaaday Ukraine oo billawday 2022, waxaa uuna siyaasigan ku caan-baxay dhaleeceynta reer galbeedka.
Sida qubaradu sheegayaan Tani ayaa noqon karta mid markii ugu horreysay ee taariikhda baraha bulshada kiciso xurgufta nukliyeerka ee labada dal.
Waxeyna u muuqataa in lagu socda waddadii ismariwaaga nukliyeerka ee u dhexysay Maraykanka iyo Ruushka, Nooca internetka ee 1962 ee qalalaasihii gantaalaha Cuba.
Sidoo kale Mareykanka ayaa markii u horreysay si cad ugu eedeyay inay Hindiya qeyb ka tahay dagaalka uu Ruushka ka wado Ukraine , sabab la xiriirta in Hindiya ay ka iibsato Ruushka , shidaal badan oo dhaqaalihiisa loo adeegsado dagaalka, tallaabadaa ayuu ku-xigeenka agaasimaha Aqalka cad , Stephen Miller ku sheegay inay tahay wax uusan ka aamusi karin Mareykanka.
Wal walka laga qabo in xaaladda ay cirka isku shareerto ayaa kordhaya Xildhibaankii hore ee Baarlamaanka Ingiriiska , George Galloway , ayaa muuqaal uu baahiyay wuxuu ku yiri ; “ Waxaa soo dhow dagaal ka qarxi kara Yurub … dagaalku wuxuu noqon doonaa mid la adeegsado nukliyeer, taas oo ah saadaal halis muujineysa.
Dhanka kale Ruushka ayaa fajac ku abuuray Ukraine iyo xulafadeeda, waxaana uu soo bandhigay hub ay Ukraine ka argagaxday, wasaaradda difaaca Ruushka ayaa shaacisay in la howlgalinayo doomo dheereeya oo iyagu is wada kuwaa oo ay ku xiranyihiin qaraxyo si dhammeystiran u burburinaya maraakiibta iyo dekedaha, sidoo kale waa kuwo awood u leh inay quusaan waxaana tallaabadana lagu micneeyey inay halis ku keenayso dekedaha Ukraine iyo maraakiibta saadka u daabula.
Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa u muuqda mid ka gudbaya xadka caadiga ah; waqtigan dagaalka ayaa laga cabsi qabaa inuu faraha ka baxo, waxuuna ku dhowyahay meel laga qoomameeyo haddii aan hadda laga baaqsan.
Iminka dagaalkan wuxuu isku rogay barta tijaabada awoodda Ruushka iyo Mareykanka, markii Trump iyo Putin ay hanjaabado hawada isku mariyeen , wuxuuna mid kasta doonayaa inuu isku muujiya inuu yahay kan gacan sareeya, taas oo xaaladda sii murjin karta.