Thursday, September 11

Geeska Afrika Waxaa waqtigan laga dareemayaa isku soo dhawaanshaha Eriteria iyo jabhada TPLF, waxaana muddo kadib Dadka arrimaha bulshada u dhaqdhaqaaqa iyo hoggaanka bulshada ayaa dib u fureen xuduudka eretariya ee ka gudba tuulada Zalambessa, waa shan sanno ka dib oo ay xuduuddani xidhnayd. Marka si guud loo eego, waa tallaabo u muuqanaysa horumar wanaagsan oo uu deegaanku sameeyey, dhanka kala ah tallaabo isbaheysi cusub ay ku yagleeli karaan Ereteriya iyo TPlF.

Jabhadda TPLF iyo Eretariya waxa ay si ku meelgaadh ah u wanaajiyeen xidhoodhkooda, iyagoo u dan leh in ay si wadajir ah uga hortagaan dagaal ay xukuumadda Itoobiya soo qaaddo. Muddadii u dhaxaysay 2020 ilaa 2022, markaas deegaanka Tigrayga waxa ka socday dagaal xukuumadda Itoobiya oo ay Eretariyana garabsiinayso ay ka wadday deegaankan.

Basle xiligan sheekada ayaa dhan kale isku rogtay waxaana, isbahaysiga cusub ee aan la filayn, una dhexeeya Eretariya iyo TPLF uu dhalin karaa walaac iyo, suurogalnimada dagaal hor leh oo ay dhinacyadu ku qaadaan Itoobiya.

Xidhiidhka TPLF iyo nidaamka ka taliya Eretariya waxa uu soo maray wejiyo dhawr ah oo kala geddisan, waana xidhiidh soo bilaabmay markii labada dhinacba ahaayeen jabhado, toddobaatanaadkii iyo siddeetanaadkii. Bilawgaas xidhiidhkooda, labada jabhadood waxa ay iska garabsadeen in ay xukunka ka tuuraan nidaamkii Mingiste, ee ka arriminayey Itoobiya, iyo in Jabhaddii Xorraynta Bulshada Eretariya loo oggolaado madaxbannaani. Kolkii ay ku guulaysteen hawshaas, 1991-kii, labada jabhadoodna hoggaanka u qabteen labada dal, xidhiidh wanaagsan ayay weli sii lahaayeen, ilaa xidhiidhkaasi xumaaday, oo sannadkii 1998-kii labada dal galeen dagaal ku salaysan khilaaf xuduudda ah, kaas oo laba sanno socday. Dagaalkaasi waxa uu xidhiidhkii TPLF oo Itoobiya ka talinaysay iyo Eretariya dhexdhigay colaad joogto ah.

15 sannadood oo colaad iyo dagaal furan ah kadib, kala jabkii TPLF oo waqtigaasi hoggaan u heysay Itoobiya, wuxuu suura galiyey in Eretireriya ay la heshiiso garab ka mid ah labadii garab ee ay u kala jabtay TPLF, waxaana Eretariya ay ku guulaysatay in ay isbeddellada qayb ka noqoto, oo ay isbahaysi aan la filayn u noqoto TPLF, iyadoo ku socota caqliyadda ah “cadawgayga cadawgiisu waa saaxiibkay”.yoolkan kuma sii dhaganaan Ereteriya waxeyna heshiis nabadeed la gashay Abi Axmed sannadkii 2018, oo kolkaas xukunka ku cusbaa, waxaana uu ahaa heshiis soo afjaray sooyaalkii colaadeed ee labada dal. Heshiiska ka hor, marnaba lama filayn isku soo dhawaansho iyo in heshiis labada dal galaan.

Balse durbadii jidka heshiiskani qaaday ayaa daaha ka qaaday in wanaajinta xidhiidhka labada dal looga dan lahaa isu bahaysiga dagaal ba’an oo deegaanka Tigrayga ka dhacay. khilaaf xooggan baa marka koowaad soo kala dhexgalay maamulka deegaanka Tigrayga, oo ay hoggaanka haysay TPLF iyo xukuumadda Federaalka Itoobiya, xukuumadduna waxa ay doorashooyinkii deegaankan ka dhacay 2020-kii ku tilmaantay doorasho sharciga baalmarsan. Khilaafkaasi waxa uu sababay in Federaalku milatari ahaan deegaanka u farageliyo, waxaana qarxay dagaal laba sanno socday, oo ciidamada Federaalka Itoobiya iyo ciidamada Eretariya oo isku dhinac ahi ku wadeen TPLF iyo bulshada rayidka ah ee deegaanka. Warbixin ay diyaarisay The Sentry bishii Juun ee sannadkan 2025, waxa lagu faahfaahiyey boobka abaabulan ee ciidamada Eretariya ka gaysteen deegaanka iyo xadgudubyada xuquuqda aadamaha ka dhanka ah ee ay kula kaceen bulshada rayidka ah.

Dhinacyada dagaalka ku lugta lahaa waxa ay dagaalka ka dib deegaanka ka dhaliyeen saamayno aan loola qasdin. Heshiiskii Biritooriya ee 2022, waxa uu soo afjaray dagaalkii Federaalka iyo TPLF u dhexeeyey, se waxa uu ahaa heshiis xaddidan. Eretariya oo dagaalka qeyb ka ahayd lana safneyd Itoobiya, heshiiska lagama qaybgelin, lagamana soo qaadin dhinacyada is haysta, walow ciidamadeedu deegaannadii lagu dagaallamay ku sugnaayeen xitaa dagaalka markii uu idlaaday. Heshiiskani waxa uu xukuumadda Federaalka ee Itoobiya ku dhiirrigeliyey in ay hoos u dhigto awooddii TPLF, oo ahaa Xisbi leh saameyn ta Federalka aan ka dhicin. Jilcinta awooddii TPLF waxa ka dhashay in Itoobiya dib u soo celiso damaceedii dhul-ballaadhsiga ahaa. Itoobiya waxa ay shaacisay xaqa ay u leedahay in ay bad hesho, hadalkaasina waxa uu keenay khilaaf cusub oo Itoobiya ula badheedho Soomaaliya iyo Eretariya. Khilaafkii Soomaaliya waxa la xalliyey dhammaadkii 2024, ka dib markii Turkigu labada dhinac dhexdhexaadiyey, sidaas darteed, waxa ay falanqeeyayaashu ka digeen in dagaal Itoobiya iyo Eretariya oo TPLF la socoto dhex maraa uu aad u dhow yahay, waana sababta iminka ay Ereteriya ugu dhawaaneyso TPLF.

Xaaladda sannadkan 2025, waa mid aad ugu ififaalo eg tii bilawgii 2020, walow xaaladdan hadda ay jaangoynayaan xidhiidho cusub, dhinaca kalena ay jirto fursad qalalaase dhaca lagaga hortagi karo. Masuuliyiinta Asmara, Addis Ababa iyo Maqalle midna diyaaar uma aha dagaal cusub, oo dhammaantood waxa ay la daalaadhacayaan suququl dhaqaale. Itoobiyi, ka sokow xaaladdan jirta, waxa kale oo ay la daalaadhacaysaa maaraynta kacdoonno kala duwan oo ku socda, siiba kuwa deegaannada Amxaarada iyo Oromada, oo dhabarka ka jabinaya damaceeda helidda badda. Bishii Feebarwari ee 2025, Eretariya waxa ay amartay in abaabul qaran la galo, walow xog aad u kooban laga hayo xaaladda dhabta ah ee hadda ciidamadeedu ku suganyihiin, oo u badan dad la ciidameeyey. TPLF lafteedu waxa ay waajahaysaa caqabado waaweyn, waxaanay baahi u qabtaa midnimo iyo awooddii dagaalkii Tigrayga kala daadiyey.

Hadallada xanafta leh ee joogtada ah iyo dhacdooyinka sida lamafilaanka ah u dhacay waxa ay xaaladda oo awalba kacsanayd u beddeli karaan dagaal toos ah, weliba marka la eego doorashooyinka Federaalka ee qabsoomi doona 2026-ka. Sidaas darteed, waxa lagama maarmaan ah sida qubaradu sheegayaan in hoggaanka dhinacyadu u fiirsadaan hadalladooda. Khilaafka gudeed ee ka dhexjira TPLF iyo in Eretariya u soo dhawaatay cadawgeedii hore ee TPLF, taas oo ah astaamo bixinaya digniin una baahan in si diblumaasiyadaysan xaaladda loo dejiyo, lagana fogaado dagaal toos ah.

Si gobolku uu colaad uga baaqsado. Waxa kale oo lagu talinayaa in dhexdhexaadinta Itoobiya iyo Eretariya ay galaan dhinacyo kale, sida Turkiga ama Sucuudiga, oo danaynaya deggenaanshaha gobolka. Labadan dal waa kuwii hore u qabtay dhexdhexaadin, sida in Turkigu dhexdhexaadiyey Soomaaliya iyo Itoobiya 2024, halka Sucuudiguna dhexdhexaadiyey heshiiskii Itoobiya iyo Eretariya sannadkii 2018-kii. Dhexdhexaadinta iyo heshiisiinta cusub oo aan suuragalin waxey keeni kartaa Ereteriya iyo TPlF oo isku dhinac ah in duulaan hor leh ay ku eekeeyaan Xukuumadda Addis.

Exit mobile version