Friday, September 12

(Hortabin Media) – Duqeymaha joogtada ah ee ay Israa’iil la beegsaneyso Gaza ayaa weli socda, waxaana isniintii shalay ahayd milatariga Israa’iil uu duqeymo cirka ah ku qaaday Gaza.

Sida la soo warinayo Dayuuradaha Israa’iil ayaa sidoo kale duqeeyay goobo ururka Xisbullah leeyahay oo ku yaalla Lubnan,waxaana Israa’iil ay ku andacooneysaa in ku soo wajahan yahay weerar gantaallo ah.

Sidoo kale wasiirrada arrimaha dibadda ee midowga Yurub oo kulmay ayaa ku baaqay in la gaaro xabbad joojin binu’aadanimo, si loo ilaaliyo nolosha rayidka.

Walaaca laga muujinayo dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ayaa kordhaya, iyadoo ilaa iyo iminka aan la gaarin wax xabad joojin ah, inkasatoo dadaaladu socdaan.

Exit mobile version