Thursday, September 11

Halkaan waxaan idinkugu soo gudbin doonaa qaar ka mid ah wararkii ugu danbeeyey suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Kooxda Chelsea ayaa ku dhaw in ay la soo wareegto xidiga khadka dhexe ee naadiga Brighton  Moisés Caicedo, waxeyna ku dooneysaa lacag dhan £80m.

Kooxda ayaa xidiga la gaartay heshiis shaqsi ah, wuxuuna dhankiisa muujiyey xiisaha uu u qabo inuu ku biiro Chelsea.

Sidoo kale Xidiga Christian Pulisic ayaa la filayaa inuu goordhaw tijaabo caafimaad u maro naadiga reer talyaani ee AC Milan.

Tijjani Reijnders ayaa isna la filayaa inuu u wareego AC Milan, xilli wada hadalo ay u socdaan kooxdiisa AZ Alkamar iyo Milan, waxeyna AZ rabtaa in ay ku iibiso xidigan lacag dhan €25m.

Galatasaray ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay heshiis la gaarto Angeliño, iyadoo ay wada hadalo u socdaan kooxdiisa RB Leipzig iyo Galatasaray oo si aad ah u daneyneysa. 

Exit mobile version