Thursday, September 11

Wararkii ugu dambeeyay ee inaga soo gaaraya Magaalada Mokho-kori ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay haawanaysa ka dib markii dagaallo xooggani ka dheceen, islamarkaana maamulkii iyo ciidamadii ku sugnaa ay isaga baxeen.

Guddoomiyaha ku xegeenka maamulka Mokho-kori oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay magaalada Al-shabaab ay la wareegeen, balse muddo kooban ka dib ay isaga bexeen, dhammaan dadkii ku noolaana ay horay uga bara-keceen.

Magaalada Mokho-kori ayaa ku taalla waddo halbowle u ah isku socadka Muqdisho iyo gobollada dhexe ee dalka, balse waxay 40 KMR ka yar u jirtaa Magaalada Aayadan yabaal oo ay bilo ka hor gacanta ku dhigeen kooxda Alshabaab.

Khasaaraha ka dhashay qarax iyo dagaalkii shalay ka dhacay gudaha iyo duleedka magaalada ayaan la xaqiijin karin isgaarsiinta oo go’an awgeed.

Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Hirshabeelle weli faahfaahin kama bixin dagaalka culus iyo qabasashada AS ee degmada Moqokori oo ku taalla xadka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Exit mobile version