Thursday, September 11

Waqtigan waxaa xoogeysanaya dagaalka sanadihii ugu danbeeyey soo jiitamayey ee u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine, waxaana 8 dii casho ee la soo dhaafay uu ruushku qaaday weeraro culus, halka Ukraine-na ay ka jawaabtay.

Gantaalka Ruushka ayaa burburiyay guryo iyo dhismayaal rayid ay degganaayeen oo ku yaalla magaalada koonfurta Ukraine ku taalla ee maykalif, sida ay sheegeen saraakiisha maxalliga ah.

Toddobaadkan inta la ogyahay Ugu yaraan saddex qof oo rayid ah ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhaawacmeen magaalada u dhow Badda Madow, oo marar badan ay duqeeyeen ciidamada Ruushka.

Waaxda Gurmadka Degdegga ah ee Ukraine ayaa soo bandhigtay sawirrada dab-damiskii goobta ku sugnaa kaddib markii uu gantaalku ku dhacay halkaasi.

Gelinkii hore ee Axaddii aynu ka soo gudubnay dab weyn oo kayd shidaal ka billowday ayaa ka kacay meel u dhow goobta loo tamashlaha tago ee Badda Madow ee Ruushka ee Sochi – taa oo ay mas’uuliyiinta Ruushku ku eedeeyeen weerar ay qaadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine.

Sida wararku sheegayaa Gegida diyaaradaha ee Sochi ee isla aagga – degmada Adler , waxaa muddo saacado ah la joojiyey dhamaan duulimaadyadii, iyadoo qaraxyada ka dhashay weerarkan lagu sheegay mid ka mid ah weerarradii ugu xoogganaa ee meel ka fog xadka ay ka geysato Ukraine.

5 cisho ka hor Ciidanka Ruushka ayaa duqeyn culus la beegsaday buundo istiraatiiji ah oo muhiim u ah sahayda iyo isku socodka magaalada Kherson ee koonfurta Ukraine. Weerarkan ayaa la sheegay inuu sababay burbur weyn oo saameeyay isku xirka magaalada, taasoo keentay in maamulka Ukraine uu amar ku bixiyo in la bilaabo daadgureynta dadka shacabka ah ee ku sugan magaalada Kherson, iyagoo ka cabsi qaba weerarro sii socda ama go’doomin ka dhanka ah magaaladan oo uu qorsheynayo Ruushka.

Sidoo kale Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu amar ku bixiyay in laba markab oo ah kuwa xambaara Nukliyeer ah “la dhigo gobollada ku habboon” isaga oo ka jawaabaya hadallada “daandaansiga aadka u weyn” ee madaxweynihii hore ee Ruushka Dmitry Medvedev.

Trump ayaa xusay inuu ka jawaabayo weedhaha ku qotoma qabka iyo kuwa xanafta leh ee ruushka ka soo yeeraya .—Hadallada waa kuwo aad muhiim u ah, waxayna inta badan keeni karaan cawaaqib aan loo baahnayn, waxaan rajeynayaa in tani aysan noqon mid ka mid ah xaaladahaas” ayuu intaa raaciyay.

Trump Ma uusan sheegin halka la geeynayo labada markab, iyadoo la ilaalinayo nidaamka ciidamada Mareykanka.

Madaxweynihii hore ee Ruushka Medvedev ayaa dhawaan u hanjabtay Mareykanka isagoo ka jawaabaya go’aankii Trump ee Moscow ee ahaa in ruushku ogolaado xabbad joojin laga sameeyo Ukraine, haddii kale xukuumadda moscow ay wajihi doonaan cunaqabatayn adag.

Ruushka iyo Mareykanka ayaa heysta hubka Nukliyeerka ah ee ugu badan adduunka, waxaana labada dal ay heystaan maraakiib Nukliyeer xambaarsan.taas oo xaaladda sii cakiri karta.

Trump iyo Medvedev ayaa muddooyinkan dambe ku lug lahaa weeraro shaqsiyadeed oo ka dhan ah midba midka kale oo barraha bulshada ay isu marinayeen.

Hadaladan ka hor , Trump wuxuu qabtay “10 ama 12” maalmood oo kama dambays ah. Horaantii bishii July wuxuuna ugu hanjabay Ruushka canshuuro ba’an oo lagu beegsanayo Shidaalka iyo waxyaabaha kale ee la dhoofiyo haddii Putin uusan ku soo afjarin dagaalka uu kula jiro ukriane 50 maalmood gudahood.

Medvedev – oo ahaa madaxweynaha Ruushka intii u dhaxaysay 2008 ilaa 2012 – ayaa si adag ula hadlay Trump wuxuu ka digay hanjabaad”gacan dhimasho keeni karta” – taas oo cabsi hor leh abuurtay inkasto trump uu u soo jeediyey in uu weedhahaasi ka fiirsado.

Medvedev waxa uu taageersan yahay duulaanka buuxa ee Ruushka uu ku qaaday Ukraine oo billawday 2022, waxaa uuna siyaasigan ku caan-baxay dhaleeceynta reer galbeedka.

Kremlin-ka ayaan ilaa hadda wax hadal ah ka soo saarin arrintan, balse suuqa saamiyada Moscow ayaa aad hoos ugu dhacay ka dib hadalka Trump.

Sida ay shaacisay Wakaaladda wararka ee Reuters, . Putin ayaa la sheegay inuusan dhag jalaq u siin hanjabadaa Mareykanka ee salka ku haysa in canshuur dheeraad ah uu soo saarayo, balse Putin wuxuu u arkaa cunaqabateyn kasta oo cusub inaysan ka duwanayn cunaqabateyntii hore u saarnayd Ruushka

Madaxweynaha Ukraine ,Volodymyr Zelenskyy ayaa markii u horreysay ku eedeyay Shiinaha iyo Pakistan inay ciidan usoo direen Ruushka , xilligaana ay ka dagaallamayaan waqooyi-bari dhulka Ukraine.

Sida qubaradu sheegayaan Tani ayaa noqon karta mid markii ugu horreysay ee taariikhda baraha bulshada kiciso xurgufta nukliyeerka ee labada dal, waxeyna u muuqataa in lagu socda waddadii ismariwaaga nukliyeerka ee u dhexysay Maraykanka iyo Ruushka nooca internet ee 1962 ee qalalaasihii gantaalaha Cuba.

Sidoo kale Mareykanka ayaa markii u horreysay si cad ugu eedeyay inay Hindiya qeyb ka tahay dagaalka uu Ruushka ka wado Ukraine , sabab la xiriirta in Hindiya ay ka iibsato Ruushka , shidaal badan oo dhaqaalihiisa loo adeegsado dagaalka, tallaabadaa ayuu ku-xigeenka agaasimaha Aqalka cad , Stephen Miller ku sheegay inay tahay wax uusan ka aamusi karin Mareykanka.

Ra’iisul wasaaraha Hindiya , Narendra Modi ayaa isagoo ka jawaabaya cadaadiska iyo hadallada ka imaanaysa saraakiisha Mareykanka , wuxuu yiri ; “Dal walba wuxuu eegayaa danihiisa gaarka ah. Hindiya waxay noqon doontaa isha dhaqaalaha saddexaad ee ugu weyn caalamka.

Trump oo hadalka ka soo yeeray hindiya daba jooga ayaa saxiixay amar fulineed oo cusub oo hindiya lagu soo rogay canshuur dheeri ah oo dhan 25% oo lagu beegsanayo badeecooyinka laga keeno dalka Hindiya, taasoo uu ku sheegay ciqaab ay Hindiya ku mudataysatay kadib markii ay sii wadday iibsashada shidaalka Ruushka, isagoo yiri ; “Haddii ay Hindiya rabto xiriir dhaqaale oo dhow in ay nala yeelato, waa inay si dhab ah u muujisaa saaxiibtinimo. Ma ahan mid la aqbali karo in ay si joogto ah u iibsato shidaal Ruushka ah, taasoo si toos ah u taageeraysa miisaaniyadda dagaalka ee Putin.”

Shiinaha ayaa sidoo kale diiday caddaadiska mareykanka wuxuuna caddeeyay inuusan joojin doonin iibsiga shidaalka Ruushka iyo Iiraan, kaddib markii Mareykanka uu kala hadlay in joojinta shidaalka Ruushka uu ku heli karo in meesha laga saaro canshuuraha la saaray badeecadihiisa , balse wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha , waxay uga jawaabtay hadalkan ; “Shiinuhu mar walba wuxuu hubin doonaa helitaanka tamar si waafaqsan danihiisa qaranka.

Wal walka laga qabo in xaaladda ay cirka isku shareerto ayaa kordhaya Xildhibaankii hore ee Baarlamaanka Ingiriiska , George Galloway , ayaa muuqaal uu baahiyay wuxuu ku yiri ; “ Waxaa soo dhow dagaal ka qarxi kara Yurub … dagaalku wuxuu noqon doonaa mid la adeegsado nukliyeer, taas oo ah saadaal halis muujineysa.

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa u muuqda mid ka gudbaya xadka caadiga ah; waqtigan dagaalka ayaa laga cabsi qabaa inuu faraha ka baxo, waxuuna ku dhowyahay meel laga qoomameyn doono haddii aan hadda laga baaqsan, maadaama waqtigan Mareykanka iyo Ruushka uu mid walba muujinayo awood dheeri ah,, inkastoo dhawaan ay kulmi doonaan Trump iyo Putin.

Exit mobile version