Weli waxaa socda dagaalka Gaza, waxaana Israa’iil ay sii xoojiyay duqeymaha iyo weerarada ay ka wadaan koofurta iyo bartamaha Gaza, waxaana dagaalkan uu socdaa bishii 9-aad oo xiriir ah.
Israa’iil ayaa ka biyo diidan wada hadalada lagu baaqayo, waxeyna isku dayayaan in ay ka adkaadaan Xamaas, balse taasi ma ahan xaqiiqda rasmiga ah ee ka jira Gaza.
Dagaalka toddobaadkan xoogeystay ayaa ku soo beegmaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in todobaadkaan dib loo amba-qaadi doono wadahadallada lagu raadinayo xabbad-joojin ka dhaqan gasha Marinka Gaza, hase ahaatee colaada socota ayaa xaalka sii adkeyneysa.
Weerarkii ugu danbeeyey ee Israa’iil ka geysato Magaalada Rafax ee marinka Gaza ayaa dhalisay walaac ballaaran oo uu Caalamku muujinayo, maaddaama ay ku sugan yihin dad badan oo guryahooda ka soo qaxay.
Weerarada Rafax ay ka geysaneyso Israa’iil ayaa sababay in 9- boqol oo kun oo qaxooti ah ay magaaladaasi ka qaxaan, waxaana bahda Caafimaadka Falastiin ay sheegtay in saacadihii la soo dhaafay Israa’iil ay dileen dad tiradooda lagu sheegay 45- falastiiniyiin ah.