Saturday, September 13

Al Shabaab ayaa waqtigan kordhiyey dhibaatada ay ku hayaan shacabka Ruun-Nirgood, iyagaa horey u afduubta dad gaaraya 30 qof.

Ciidamada macawiisleyda degmadaas oo is abaabulay ayaa iyaguna soo qabta 50 ruux, oo ehel dhaw la ah Al Shabaabkii afduubtay dadka rayidka ah.

Dadka ay ciidamada soo qabteen waxaa ku jiray xaasas iyo caruur ay dhaleen amiiradii, horey u afduubtay dadka deegaanka.

Gudoomiyaha degmadaasi oo warbaahinta la soo xariiray ayaa xaqiijiyey in ay wada hadal dalbanayaan Al Shabaabkii afduubtay dadka rayidka, maaddaama iyagana laga soo watay dad ehelkooda ah.

Dadkii ay maalmo ka hor afduubteen Al Shabaab ayaa isugu jiray, odayaal, haween iyo caruur aad u da’yar, welina xaalkooda wax war ah lagama hayo, waana sabab ciidanka deegaanka ee macawisleyda ku kaliftay in ay duulaan qaadaan oo ay soo wataan kuwo Al Shabaabkii wax afduubtay xigto la ah.

Exit mobile version