Sunday, May 10

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay uga hadlayaan habraaca doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyagoo si gaar ah uga digay isku day kasta oo la xiriira codeyn sharci-darro ah ama qof hal mar ka badan cod dhiibta.

War-saxaafadeedka oo kasoo baxay Baydhabo maanta oo taariikhdu tahay 09 May 2026, ayaa lagu sheegay in doorashada lagu qabanayo nidaamka “Qof iyo Cod”, islamarkaana qof kasta oo codeynaya looga baahan yahay laba shardi oo keliya: Kaarka codbixiyaha ee rasmiga ah, Warqadda diiwaangelinta codbixiyaha

Guddiga ayaa sheegay in goobaha codbixinta si adag looga ilaalin doono: In qof labo jeer codeeyo, Adeegsiga dukumenti been-abuur ah, In qof kale lagu codeeyo magaca muwaadin kale

Waxay sidoo kale tilmaameen in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo falal la xiriira musuqmaasuq ama qalqal gelinta doorashada.

Doorashada Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada maamulka Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in ay dhacdo berri, iyadoo xiisad siyaasadeed iyo eedeymo hor leh ay hareeyeen hannaanka doorashada.

Exit mobile version