Friday, September 12

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Batroolka Xukuumadda Federaalka Maxamed Xaashi Carabey ayaa sheegay in ay soo dhow dahay natiijada laga sugayo sahmintii shidaalka Soomaaliya lagu sameeyay taas oo la sugayo bisha Maarso sanadka berri curanaya ee 2025.

Carabey waxa uu carrabka ku adkeeyay in arrintaan ay tahay mid muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya sidaas awgeed natiijo Dalka iyo Dadka u fiican si loo billaabo soo saarista si looga faa’iideysto sida uu hadalka u dhigay.

“Waxyar ayaa dhiman xog baarista Batroolka, bisha maarso billowgeeda waxaa la heli doonnaa natiijada haddii alle idmo, Soomaaliya waxa ay ku gaari doontaa Horumar & Barwaaqo insha allaah, dhanka Macdanta oo iyanna horumar fiican ayaa laga gaaray” Agaasimaha Wasaaradda Batroolka XFS Maxamed Xaashi Cabdi Carabey.

Soomaaliya ayaa Turkiga la gashay heshiis lagu sahminayo Shidaalka iyo macdanta kale ee Badda ku jirta, marka la helo natiijo lagu dhaqaaqi karo kaddib waala soo bixin doonnaa sida ku xusan heshiiska labada dhinac ay wada galeen.

Markabka Baarista sahminta ah wada ayaa sanadkaan soo gaaray Dekedda Muqdisho, waxa uu u ruqaansaday dhinaca Goobaha loo arko in ay ku habboon yihiin baaristaas si loo sumadeeyo meelaha lagu arko khayraatkaas lasoo bixin rabo.

Exit mobile version