Monday, September 15

(Hortabin Media) – Walaac aad u ballaaran ayey muujiyeen Madaxda Maamullada Jubaland iyo Koonfur Galbeed, kaas oo ku aaddan dib u dhaca ku yimid dagaalkii la qorsheynayey in Al Shabaab looga xoreeyo deegaanada Maamulkaasi.

Madaxda maamulladaas oo hadlay ayaa sheegay in dowladda ay xoogeeda isugu geysay Galmudug, waxeyna dalbadeen in la soo gebagabeeyo xoreynta deegaanada Galmudug, si deegaanada maamulladooda ay uga billawdaan howlgallada.

Dowladda ayaa mashquul ku ah xaaladda Galmudug, waxaana ciidamada dowladda xoogoodu ay joogaan Galmudug, iyagoo halkaasi ka wada howlgalo culus, waxeyna dhawaan gacanta ku dhigeen degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur.

Madaxda maamullada ayaa sheegay in waqtiga uu kooban yahay, isla markaana loo baahan yahay in ay dowladdu dejiso qorshihii Al Shabaab looga xoreyn lahaa Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubaland ayaa ka mid ah meelaha ay ku xooggan yihiin Al Shabaab, waana kuwo gacanta ku haya dhul aad u dheer, taas oo deegaanadaasi ka dhigeysa meelaha la filayo inuu ka dhaco xoogga dagaalka wajiga labaad ee looga soo horjeedo Al Shabaab.

WQ: Ayaanle Qoyste

Exit mobile version