Darawalada gaadiidka ka bixitima Muqdisho ee u safra Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa walaac ka muujinaya marinka isku xira Muqdisho iyo Balcad, kaas oo waqtigan ku yimid bur bur, kadib roobabkii da’ay
Wadadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad oo dhawaan la dhisay, ayaa waxaa saameyn culus ku yeeshay roobabkii maalmihii ugu danbeeyey ka da’ayey gudaha Muqdisho.
Darawalada cabanaya ayaa waxaa ka mid ah kuwa Mooto Bajaajta, oo iyaga qudhooda soo qaada dadka rakaabka ee degan xaafadaha waqooyi ee Caasimadda.
Dadka degaanka ayaa iyaguna sheegaya in laamiga dhismihiisa kor loo qaaday, taas oo sababtay in biyaha ay buux dhaafiyaan aqaladooda, maaddaama ay god ku jiraan guryahooda, oo uu laamigu ka sareeyo.
Si kastaba, shacabkan oo la hadlay qeybaha Warbaahinta, ayaa dalbaday in maamulka Gobolka Banaadir uu arrintan wax ka qabto, si uu caadi ugu soo laabto isku socodkii gaadiidka iyo dadka.
Magaalada Muqdisho, waxaa inta badan dhacda in si sahlan ay ku bur burto wado waqti kooban dhisan, taas oo loo sababeeyo tayada shirkadaha dhisaya dhabahaasi, oo aan lagula xisaabtamin howsha loo dhiibtay.