(Hortabin Media) – Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Canada ayaa walaac ka muujinaya dad Soomaaliyeed, kuwaas oo dhawaan la filayo in dib loogu soo celiyo Soomaaliya.
Dadkan ayaa markii hore dalka Canada ku galay sharciga dalka Kenya, iyagoo markii danbe isku dhiibay in ay yihiin qaxooti Soomaali ah, taas oo ay dowladda Canada diiday.
Jaaliyada Soomaaliyeed ayaa dowladda Canada u sheegtay in dadkan ay yihiin Soomaali, balse dowladda Canada ayaa dhagaha ka fureysatay codsigii ka yimid jaaliyada Soomaaliyeed ee Canada.
Dowladda Canada waxey sheegtay in ay dalkeeda ka tarxiileyso in ka badan 150 qof, kuwaas oo Soomaali ah, kadib markii ay ka been sheegeen aqoonsiga jinsiyadooda.
Xubin ka tirsan Jaaliyada Soomaalida Canada ayaa Hortabin Media u xaqiijiyey in dadka la celinayo ay ka badan yihiin tirada Canada ay sheegtay, waana kuwo gaaraya ilaa 400 oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah.
Jaaliyada Soomaalida Canada ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegtay in ay is dileen labbo ka mid ah dhallinyarada Canada laga tarxiilayo, kuwaas oo uu mid ka mid ah dabaq iska soo tuuray, halka kan kalana uu isticmaalay daraagis xad dhaaf ah, taas oo keentay inuu aakhirkii geeriyoodo.
WQ: Ayaanle Qoyste