Sunday, September 14

Wal wal aad u fara badan ayaa waqtigan laga muujinayaa dhameystirka dastuurka Soomaaliya, oo waqti badan ahaa mid KMG ah.

Dowladihii dalka Soo maray ayaa ku guuldareystay dhameystirka dastuurka, oo waqtigan ah caqabad hortaagan Soomaalida.

Qorshaha ayaa ahaa in dowladdan ay dhameystirto, waxaana wal walka keenaya khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamullada qaar.

Dowladda ayaanan heshiis la ahayn maamulka Puntland, taas oo gaabisay wada shaqeyntii ka dhaxeysay labada dhinac, waana mid adkeyneysa in go’aan laga gaaro arrinta dastuurka.

Lamo ogga waqtiga si rasmi ah loo dhameystiri doono dastuurka qabyo qoraalka ah ee dalka, waxaana dhameystirkiisa ku xiran arrimo badan oo masiiri ah.

Exit mobile version