Saturday, September 13

Maamulka Somaliland wuxuu si xooggan uga walaacsan yahay xiriirka cusub ee ka dhexeeya kooxda Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta Yemen, taas oo khatar ku ah nabad-gelyada gobolka. Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa warbaahinta Al-Carabiya u sheegay in iskaashigaasi uu sababi karo qalalaase iyo khatar amni.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in xiriirka Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab uu yahay mid xooggan, taas oo muujinaysa in labada kooxood ay u wada shaqeynayaan si ay u sameeyaan khatar cusub. Wuxuu sidoo kale ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay si firfircoon uga shaqeyso xakameynta iskaashigan halista leh.

Kaahin wuxuu carabka ku dhuftay in Somaliland aysan kaligeed qaadi karin masuuliyadda ilaalinta nabad-gelyada marinnada badda Cas. Wuxuu ku baaqay in caalamka uu ka qayb qaato sidii loo xakamayn lahaa dhaq-dhaqaaqyada khatarta ah ee saameyn ku yeelan kara ganacsiga iyo ammaanka gobolka.

Wasiirku wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay leedahay masuuliyad muhiim ah oo ku aaddan ka hortagga iyo xakamaynta xiriirka ka dhexeeya Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta, si loo hubiyo amniga iyo degenaanshaha gobolka.

Exit mobile version