Tuesday, September 16

(Hortabin Media) – Walaac xooggan ayey waqtigan muujinayaan dadkii ku ganacsanayey suuqa Wajaale oo ku yaalla xuduudda Somaliland la wadaagto Itoobiya, kana tirsan meelaha uu ka arrimiyo maamulka Somaliland.

Suuqan oo dhawaan gubtay ayey dadkii ku ganacsaneyey warbaahinta u sheegeen in ay halkaasi ku waayeen hanti aad u fara badan, iminkana ay yihiin kuwa xubeer ah oo aanan waxba heysan.

Dadkan oo aad u fara badan ayaa maamulka Somaliland ka codsaday in taageero loo fidiyo, maaddaama dhaqaalahoodii ay ku wayeen suuqii Wajaale ee dhawaan gubtay.

Ganacsatadan ayaa sidoo kale, codsi u dirsaday bulshada Soomaaliyeed dal iyo dibadba, waxeyna dalbadeen in loo fidiyo gurmad wax ku ool ah, si ay dib ugu billawdaan howlahoodii ganacsi.

Suuqa Wajaale ayaa gabi ahaanba basbeelay dhawaan markii uu qabsaday dab xooggan, kaasi oo sameeyey dhamaan qeybaha kala duwan ee suuqa, waxaana halkaasi lagu waayey hanti aad u fara badan.

Exit mobile version