Waxaa si rasmi ah gudaha deegaanada Jubaland uga billawday wajiga labaad ee dagaalka looga soo horjeedo kooxda Al Shabaab, sida uu sheegay wasiirka amniga Soomaaliya.
Wasiirka amniga Cabdullahi Ismaaciil Fartaag, ayaa sheegay in howlgalka uu iminka ka billawday deegaanada Jubaland, waxaana sida uu sheegay ay ciidamadu ka soo ruqaansadeen fariisimahoodii Kismaayo.
Ciidamada ka soo ruqaansaday Kismaayo ayaa iminka ku sugan Buulo Xaaji, waxaana ciidamada ay ku sii siqayaan fariisimaha Al Shabaab ee deegaanka Badhaadhe.
Wasiirka ayaa sheegay in saacadaha soo socda la filayo in gacanta lagu dhigo degmada Badhaadhe ee gobolka Jubada Hoose, wuxuuna hoosta ka xariiqay in howlgalka la dar dar galin doono.
Deegaanadda Jubaland ayaa ka mid ah meelaha ay sida aadka ah saameynta ugu leeyihiin Al Shabaab, waxeyna si buuxda gacanta ugu hayaan gobolka Jubada dhexe, oo ka mid ah goobaha uu u ku magacaaban yahay maamulka Jubaland.