Monday, September 15

(Hortabin Media) – Xilli Madaxweynaha uu ku sugan yahay Magaalada Dhuusamareeb, oo uu ka dhigtay saldhig, gaar ah oo uu ka hoggaaminayo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, ayaa wal wal laga muujinayaa sida gulufkaasi looga lib keeni lahaa.

Caqabada koowaad ayaa noqoneysa in aanay sidii hore diyaar u ahayn ciidamada beelaha, ee loo yaqaan macawiisleyda, kuwaas oo billaabay wajigii koowaad ee dagaalka.

Waxaa kaloo walaac keeni kara dhimista lagu sameynayo ATMIS, kuwaas oo durba faarujiyey saldhigyo ay ku lahaayeen gobolka Gedo.

Saldhigyada Gedo ee ay ATMIS faarujisay, ayaa qaarkood waxaa qabsaday Al Shabaab, waana arrinta keeneysa in shaki laga muujiyo guusha laga filan karo wajiga labaad.

Arrinta kale ee dib u dhaca u keeneysa wajiga labaad ayaa ah, in ilaa iyo iminka gulufka aanay billaabin maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubaland, oo sida la aaminsan yahay ah meelaha uu ka dhacayo xoogga dagaalka wajiga labaad ee looga soo horjeedo Al Shabaab.

Arrimahaan oo dhan waxa ay bidhaaminayaan in ay adag tahay in guullo laga keeno wajiga labaad ee dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab, kaas oo uu xilligan hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaase laga dhursugayaa halka uu xaalku ku biyo shubto.

Exit mobile version