Saturday, September 13

Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Md.Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta gaaray Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa ku qaabilay wafdigaan xarunta madaxtooyada, iyaga oo kawada hadlay sameentii ka dhalatay roobabka El-Niño ee dhammaadkii sanadkii tagay iyo in uu Maamulka u diyaar garoowo ka hor tagga roobka Gu’ga kaas oo laga cabsiqabo in uu wato daadad iyo fatahaado.

Kulankaan waxaa qayb ka ahaa Wasiiro ka tirsan Maamulka Hirshabeelle, Maamulka Gobolka Shabeeladda Dhexe iyo Masuuliyiin SoDMA ka socday.

Exit mobile version