Saturday, September 13

Wadooyinka Magaalada Caasimada ee Muqdisho ayaa lagu soo daadiyey ciidamo ka tiro badan kuwii fariisimada ku lahaa isgoysyada Magaalada.

Ciidamadan ayaa xaqiijinaya amniga caasimada, xilli lagu guda jiro todobaadka xoriyada, oo ay si weyn ugu dabaal-degayaan shacabka.

Dowladda ayaa feejignaan dheeri ah ka muujineysa, weeraro ka yimaad Al Shabaab, waxaana si looga hortago arrintaasi ay ciidamadu kordhiyeen baaritaanada ay sameynayaan.

Maalmaha xoriyada shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa si aad ah u soo baxa, waana kuwo isugu yimaada goobaha taariikhiga, sida fagaaraha daljirka daahsoon.

Seddex casho oo qura ayaa ka dhiman 1-da Luuliyo oo ah markii ay midoobeen gobollada Waqooyi iyo Koonfur, waxaana lagu wadaa in gudaha caasimada lagu qabto munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayo maalintaasi.

Exit mobile version